Maansada Allaw Sahal

0
Wednesday November 06, 2019 - 08:53:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansada Allaw Sahal

    2 / 4 / 2016 Samo iyo wanaag kii nacee Xuma u soofaysta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

2 / 4 / 2016 Samo iyo wanaag kii nacee Xuma u soofaysta

Sifihii digtaatoor noqdiyo

Keli salaan done

Sarrif iyo intii doolariyo

Qaranka saad kiisa

Koox yari markay sida ta,ee

Uu surmiyo baaqi

Inta saxa ku baaq-diyo wanaag

Uu denbigu saarmo

.

Sare qaar u kaajoo ogayn

Baahidaa socota

Sicir barar sabool-kii dan-yari

Suuqa geliwaa yay

Siyaad iyo tabtii-sii hadday

Aakir-kii sudhanto

Sababtaa  miyaan aawadeed

SUUGGI imanaynin

Sarkaal iyo mid taajira miyaan

Soodhku guranay-nin

.

Saraheedan dhaadheer miyaan

Sulubku jiidhay-nin

Sideedii qaxoontiga miyaan

Laga sinnaanay-nin

Surmi iyo harraad-kaa badaw

Silic ku dhoofay-nin

Samhariira aakhiro miyaan

Olol-ku saafay-nin

Sabab yay ka dhigan waa abaar

Oo sagsaag geline

.

Doorashadu sideedii haddii

Ay u socon weydo

Sallaan-kuna  harraad-kaa noqday

Imanba siirooye.

Samirkuna xad buu leeya-hoo

Saaid waa maya,e

ALLAW SAHAL) SIDAY DOON-YAAN

WAA ISKEEN-SIIYE.

 

Mahadna (ALLAA ) iskale

MOHOLIN

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...