Fashilka Iyo Fadeexada Dul Hoganaysa Wasaarada Xanaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Kaluumaysiga Q2

0
Wednesday November 06, 2019 - 08:48:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fashilka Iyo Fadeexada Dul Hoganaysa Wasaarada Xanaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Kaluumaysiga Q2

    Wasaaradan waxa ka dhacay musuqii ugu balaadhnaa ee la sameeyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradan waxa ka dhacay musuqii ugu balaadhnaa ee la sameeyo

  intii xukuumada madaxweyne muuse biixi jirtayba.


Waa wasaarad aqoontiyo cilmigeedii la bililiqaystay oo dad aan ehel u ahayn loo dhiibay, kuwaasoo ka aradan adeega wasaaradani u hayso bulshada somaliland.



Wasiirka, Agaasimaha guuud ee wasaarada iyo agaasime waaxeedyadu waa kuwo qaybsaday shaqaalihii cusbaa ee wasaaradani loo qaatay maalmahan u danbeeyay.


Waxa wax lala yaabo ah inuu agaasimaha guud shaqaaleeyay dad aan aqoonta iyo cilmiga xoolaha lahayn kuwaasoo bartay culuumta beeraha, waxaanay ku shaqo gelayaan  inay yihiin dhakhaatiir caafimaadka xoolaha ah arintaasi oo markay haayda shaqaalaha maraysay loo adeegsaday inuu dhameeyo gudoomiye ku xigeenka haayada shaqaalaha dawlada.


Mudane madaxweyne waxaan kuusoo jeedinayaa inaad talaabo ka qaado madaxdan ku tagrifalay awoodii maamul ee niyad jebiyay dhakhaatiirtii xoolaha,


kadib markii ay shaqadoodii u direen dad aan aqoonteedii lahayn. Arintaasi oo uu sameeyay agaasimaha guud,

wixii dhibaato ay dadkaasi ku keenaan xoolaha waxa masuuliyadooda qaadaya agaasimaha guud.


Mudane madaxweyne waad ku mahadsan tahay talaabada aad ku amartay gudoomiyaha haayada shaqaalaha dawladu inuu isku bedel ku sameeyo agaasime waaxeedadad maamulka iyo lacagta, waxa kale oo aan kuusoo jeedin lahaa inaad xissabiyayaasha iyagana aad ku darto inla isku bedelo sida ugu dhakhsaha badan.

 

W/Q.   Dr. Dhoodaan Xirsi

Email. [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...