Golaha Wakiilada Somaliland Oo Loo Balanqaadey Muddo Kordhin Iyo Doorka Uu Ku Leeyahey Gudoomiyaha Guurtiddu

0
Tuesday November 05, 2019 - 09:22:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiilada Somaliland Oo Loo Balanqaadey Muddo Kordhin Iyo Doorka Uu Ku Leeyahey Gudoomiyaha Guurtiddu

    Hargeysa(HWN)-Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN)-Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan
ayaa la Sheegay in uu Sandule kaga dhigay kamid ahaanshaha Komishanka Cusub Xubinta dhawaan dib u.kicisey Murrankii Xubnaha loo qaadanayo Komishanka Doorashooyinka Cabdirishiid- Riyo Raac oo uu isagu adeer u yahey, Waxaanay Wararka xogaha laga helayo, Sababta ay Xukuumadu isugu adkaysay Xubintan islamarkaana, ay u Dafirayso kamid ahaanshihiisa Xisbiga Kulmiye ee uu ka gaystey hadaladda Xanafta leh Xiligii ololaha.



Waxa kale oo ay Wararku Tibaaxeen in Gudoomiyaha Golaha Guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan uu Golaha Wakiilada iyo Shirgudoonkiisaba ku Wargaliyay in loo Samayn doono Muddo Kordhin Dambe oo ay kawada socdaan Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha sidaa daraadeedna, ka Gole ahaan Looga baahan Yahey in ay Duuduub ku ansixiyaan Xubinta Komishanka ee ay ka Biyo Diidsan Yihiin Xisbiyadda Mucaaridka ahi.


Sidoo kalena Waxa uu Shuruud uga dhigay Madaxweyne Biixi in uu Golaha ka Heli Doono Taageero islamarkaana, mudada loo kordhin doono si aan loo Qaban Doorashadii Golaha Wakiilada Golohuna isku hortaagin Talaabooyinka dhinaca Xukuumada kasoo baxa.


Waana sidaa sababta uu Madaxweyne Biixi ugu Riixayay Golaha Baarlamaanka Diidmada ay Xisbiyadu Mucaaridku ku Dureen Xubinta Cabdirashiid Riyo-raac

Hadhwanaagnews
Hargaysa/Office.


Loading...
Loading...