Layaabka: Haweeney Si Xeeladaysan ku Dhacday 28-milayn oo Dolar

0
Tuesday November 05, 2019 - 09:04:57 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Layaabka: Haweeney Si Xeeladaysan ku Dhacday 28-milayn oo Dolar

    Booliska Thailand ayaa waxey ku raad joogaan haweenay 28

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Thailand ayaa waxey ku raad joogaan haweenay 28


Booliska Thailand ayaa waxey ku raad joogaan haweenay 28 jir ah oo lagu tuhunsan yahay xeeladeysi iney lacag uga dhacday 3-kun oo qof, waxey ka qaadatay lacag ku dhow 28-milyan oo dolarka Mareykanka ah.


Haweenaydan oo u dhalatay dalka Thailand loona yaqaanno magaca Wantaay Tibafiith, ayaa waxaa u suurtagashay iney khiyaanto 3 kun oo qof, oo ay kusoo jiidatay mashruuca silsiladda Bonsi, kaas oo ay dadka ugu ballanqaadday iney heli doonaan faa’iido 93% oo ay ku heli doonaan lacagaha ay ku maalgashadaan.




Khiyaanadan ayaa waxaa la waday ninkeeda oo 20-jir ah, labadan qofi dad badan oo maalgashadayaal ah ayey ku qanciyeen iney bixiyaan lacago aad u farabadan.


Waxey furtay tukaan dahabka lagu iibiyo si ay macaamiisha usoo jiidato, iyadoo barteeda bulshada ku faafineysay sawirro muujinaya nolosha sare ee ay ku nooshay, si ay dad badani u aaminaan.


Biyaasri Waataanawarankom oo ah maamulaha qeybta dambiyada maaliyadda ee qeybta baarista gaarka ah ee Thailand, ayaa yiri; "haddii ay cararayso waa iney gurigeedana ka baxsato, maadama in faylkan la xiro ay ku qaadaneyso 20 sano, mudada ka horna meel ay ku baxsan kartaa aaney jirin.”

Haddii qofi uu isku dayo inuu lacag kala baxo accounkeeda Bankiga, arrintaasi waxaan u qaadaneynaa caddayn.


Boolisku waxey xayireen hantida Biyaafith, halka boolisku ay weli ku dabajoogaan oo ay isku dayayaan iney gacanta ku soo dhigaan.



Loading...
Loading...