Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qarka U Saaran Inay Hargeysa Iyo Gobolada Kale Ka Bilaabmaan….Faallo.

0
Friday November 01, 2019 - 20:15:19 in News by
  • Visits: 4291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qarka U Saaran Inay Hargeysa Iyo Gobolada Kale Ka Bilaabmaan….Faallo.

    Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qarka U Saaran Inay Hargeysa Iyo Gobolada Kale Ka Bilaabmaan….Faallo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qarka U Saaran Inay Hargeysa Iyo Gobolada Kale Ka Bilaabmaan….Faallo.

Hargeysa(HWN):- Tan iyo wakhtigii uu talada dalka la wareegay madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi waxa isa soo taraya cabashooyinka baahsan ee laga qabo hab maamulka uu dalka ku hogaaminayo.


Mudooyinkii ugu dambeeyey waxa sii laba kacleeyey kacdoonada lagaga soo horjeedo xukuumada laba jirsanaysa ee madaxweyne Muuse Biixi, ka dib markii ay shacabku si culus uga biyo diideen falal ka imanaya dhanka dawlada oo la xidhiidha qadiyado madaxweyne Muuse Biixi dusha u saaray muran dhul oo u dhaxeeyo xubno ka mid ah qoyskiisa iyo dad shacaba oo tiradoodu boqolaal tahay .

Image result for muuse biixi oo mudaharaadaya

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Mudaharaadaya Wakhtigii Uu Mucaaridka Ahaa


Sidoo kale dareenka ay dadweynuhu kaga soo horjeedaan xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaa isa sii taray ka dib markii ay soo baxday in xubno qoyska madaxweynuhu ay dhul ku haystaan macalin mudo dheer wax ka soo dhigayey dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa, kaas oo shaaciyey in guri uu dhisanayey loo xayiray wiil uu madaxweynuhu abti u yahay.


Dareenka shacabka somaliland oo aad u kacsan ayaa haatan sababay in dadweynuhu ay heelanaan dheeraad ah u muujiyaan mudaharaado laga abaabulayo dalka gudihiisa, iyada oo magaalada Hargeysa uu guuxa shacabku gaadhay in la taagto boodhadhkii layskugu baaqayey mudaharaadada.


Guud ahaan deegaanada kala duwan ee somaliland ayuu haatan guux culusi ka jiraa ka dib markii madaxweyne Muuse Biixi laga dareemay inuu la soo baxay dhaqanadii iyo calaamadihii kaligii taliyaha ee uu caanka ku ahaa macalinkiisii Maxamed Siyaad Bare.


Dulqaadkii shacabka ayaa u muuqda mid gabaabsi ku jira iyada oo saacad kastana laga filan karo magaalooyinka waa weyn ee somaliland mudaharaado culus oo ka qarxa, iyada oo madaxweyne Muuse Biixi uu noqday kaligii taliye mar kasta tiisa loo raaco isla markaana muran galiyey galiyey sharciyadii dalka.


Dhinaca kale waxa jira dhawaaqyo iska soo daba dhacayey oo qaybaha kala duwan ee dadweynaha magaalada Hargeysa ay ku dalbanayeen in mudaharaado lagaga soo horjeedo hogaaminta madaxweyne Biixi laga dhigo caasimada iyo magaalooyinka waa weyn ee dalka.


Mujaahidiin iyo siyaasiin ka soo jeeda beelaha Arab oo dhawaan la hadlay warbaahinta ayaa shacabka caasimada ugu baaqay in layskugu soo baxo mudaharaado ka dhaca khayriyada Hargeysa oo lagaga soo horjeedo madaxweyne Muuse Biixi oo ay hogaamintiisa ku tilmaameen mid ku fashilantay dalka.


Dhinaca kale mujaahidiin ka soo jeeda beelaha Garxajis oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa dhankooda sheegay in la gaadhay wakhtigii mudaharaado lagaga jawaabi lahaa falal guracan oo ay sheegeen in madaxweyne Muuse Biixi ku kacay mudadii uu talada dalka hayey.


Sidoo kale waxa jira mudaharaad la qaban qaabinayo oo la doonayo in lagu badbaadiyo dhul ay leeyihiin qoysas tiradoodu gaadhayso 600 kuwaas oo la sheegay in madaxweyne Muuse Biixi iyo qoyskiisu ay doonayaan inay xoog ku qaataan.


Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha somaliland ayaa haatan ay muuqataa inuu ku guuldaraystay inuu ka jawaabo dareenka shacabka, isla markaana waxa uu shaqadiisii ku soo koobay ka qayb galka xafladaha qalinta jabinta oo uu ku xigeenkiisa Saylici ka cidhiidhsaday isla markaana uu ka jeediyo khudbado gole ka fuul ah oo aan macno badan u samayn shacabka kana turjumayn xaaladaha siyaasadeed ee uu dalku wajahayo iyo dhaliilaha dul hoganaya ee bulshadu jawaabta uga baahan tahay.



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...