Madaxweynaha Puntland Oo Soo Gaadhay Degmada Dhahar, Socdaalna Ku Maraya Deegaanadii Ka Baxay Gacanta Somaliland

0
Thursday October 31, 2019 - 18:57:02 in News by
  • Visits: 3384
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland Oo Soo Gaadhay Degmada Dhahar, Socdaalna Ku Maraya Deegaanadii Ka Baxay Gacanta Somaliland

    Madaxweynaha Puntland Oo Soo Gaadhay Degmada Dhahar, Socdaalna Ku Maraya Deegaanadii Ka Baxay Gacanta Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Oo Soo Gaadhay Degmada Dhahar, Socdaalna Ku Maraya Deegaanadii Ka Baxay Gacanta Somaliland


Dhahar(HWN):-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban labada gole ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay degmada Dhahar oo ah xarunta Gobolka Haylaan.



Image may contain: 7 people, people smiling, people standing, outdoor and nature
Image may contain: 5 people, people smiling, people standing, sky, outdoor and nature

Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay Maamulka Gobolka Haylaan, Kan degmada Dhahar, Hogaanka Dhaqanka, Culimada, Aqoonyahanada, Haweenka iyo ardeyda.


Madaxweynaha iyo Wefdigiisa ayaa markii uu soo gaaray degmada Dhahar waxaa uu dhex lugeeyay Boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay soodhoweyntiisa.


Hogaanka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ka hadlay xafladda soo dhoweynta , ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Imaanshihiisa Degmada Dhahar iyo adeegyada dowliga ah ee la hirgeliyey intuu xilka hayey.

Image may contain: 3 people, people standing and outdoor
Image may contain: 6 people, people smiling, people standing and outdoor
Image may contain: 4 people, people standing, crowd and outdoor

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Dhahar, wuxuu ka hadlay horumarka Puntland si gaar ah mashaariicda xarumaha waxbarasho Dowladdu ka hirgelinayso degmada Dhahar.


Madaxweynuhu wuxuu sheegay in la dhisayo Wada Laami ah oo isku xirta ( Magaalooyinka Sheerbi –Dhahar illaa Xingalool), Sidoo kale wuxu Madaxweynuhu ku dhawaaqay hirgelinta xarumaha dowliga ah ee degmada.

Loading...
Loading...