Kulanka El-Clasico Ee Barcelona Iyo Real Oo Wakhtigii Laga Badalay Iyo Maamulka Laliga Oo Ka Horyimid Wakhti Labada Kooxood Isku Raaceen

0
Saturday October 19, 2019 - 16:56:00 in News by
  • Visits: 1622
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulanka El-Clasico Ee Barcelona Iyo Real Oo Wakhtigii Laga Badalay Iyo Maamulka Laliga Oo Ka Horyimid Wakhti Labada Kooxood Isku Raaceen

    Kulanka El-Clasico Ee Barcelona Iyo Real Oo Wakhtigii Laga Badalay Iyo Maamulka Laliga Oo Ka Horyimid Wakhti Labada Kooxood Isku Raaceen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka El-Clasico Ee Barcelona Iyo Real Oo Wakhtigii Laga Badalay Iyo Maamulka Laliga Oo Ka Horyimid Wakhti Labada Kooxood Isku Raaceen


Maamulka horyaalka La Liga ayaa codsanaya in kulanka El-Clasico ee mar walba u dhaxeeya kooxaha Real Madrid iyo Barcelona laga dhigo wakhtigiisa 4-ta Diseembar iyadoo laga fakarayo arrimo dhanka dhaqaalaha ah, waxeyna si cad u sheegeen ineysan dooneyn in kulankaas uu saameyn dhaqaale u geysto kooxo kale.



Kulanka waxaa lagu ballansanaa 26-ka Oktoobar balse si guud ayaa looga soo horjeestay maadaama arrimo qalafsan oo dhanka siyaasadda ah ka jiraan gobolka Catalonia, waxaa la isku raacay in kulanka labaajiyo, waxaa xigay in labada kooxood ay isku raaceen in 18-ka Diseembar la ciyaaro.


Si kastabaa maamulka La Liga wuxuu dareemayaa raaxo la’aan, waayo wakhtigaas waxaa jira kulamo ka tirsan Copa del Rey oo loo baahan yahay iney TV-yada baahiyaan, sidaas darteed iyadoo laga fakarayo in kulankaas uusan wax saameyn ah u geysan kooxaha kale ee tartankaas ciyaaraya in wakhtiga laga badalo.

Leo Messi y Sergio Ramos pelean por un balón durante el Clásico.

Ilo ku dhaw maamulka La Liga waxey shaaca ka qaadeen in Tebas iyo xertiisa ay jeclaan lahaayeen in kulanka laga dhigo 4-ta Diseembar waxeyna arintaas difaac u tahay xiisaha kooxaha xirfadlayaasha ah, kuwaas oo doonaya iney lacag ka sameeyaan baahinta kulamadooda iyo xuquuqda ay leeyahiin.


Maamulka La Liga waxey hubaan in kulankaas uu saameyn weyn oo dhanka dhaqaala ah geysan karo, sidaas darteed waxaa laga yaabaa iney la fariistaan labada kooxood iyo xiriirka kubadda cagta Spain.


Kulanka wakhtiga la ciyaarayo wali go’aan buuxa lagama gaarin, balse waxaa 18-ka Diseembar isku fahmay labada kooxood ee ciyaartu ka dhaxeyso.

 

Loading...
Loading...