Somaliland Oo Lixdii Bilood Ee Sannadkan U Horeeyay Jaad Ku Soo Iibsatay 190 Milyan Oo Dollar
ayaa sheegay in Somaliland lixdii bilood ee sannadkan u horeeyay ay soo iibsatay qaad dhan 19 milyan oo kiiloo oo ay ku baxday lacag dhan 190 milyan oo dollar.
Wasiir
Sacad oo soo xidhayay kulan ay ardayda jaamacaduhu ku faaqidayeen caqabadaha
hortaagan dhaqaalaha dalka, waxa kale oo uu ka hadlay caqabado kale oo
hortaagan in dalka ay wershado ka abuurmaan, kuwaas oo samayn lahaa shaqo
abuur, "Meesha dadka inaga qarin kartaa
waa wershadaha, maxaynu wershado u yeelan waynay, waxyaabaha u horeeyaa waa
dhaqan, wershad dhaqan uma lihin, inagu waxaynu dhaqan u leenahay ganacsi,
laakiin wershad lacagta la geliyo waxa ka soo baxaya maba garanayo ganacsaduhu
oo wuxuu ku odhanayaa maxaa khatartaas I gelinayaba.” Ayuu yidhi Wasiir Sacad
oo intaas raaciyay "Imika hadaad is tidhaahdo wershad same oo hangar u baahan
waa inaad dhul iibsato soo dayrto, biyo keento, laydhka keento intaas oo kugu kacaya qiyaastii milyan dollar
badhkeed intaanad wershad keenin, waxa kale oo jira ma lihin xirfadihii wershadaha
oo birta jabta Germany ama hindiya ayaa loo qaadayaa.”
Wasiir
Sacad oo ka hadlaya lacagta adag ee Somaliland qaadka kaga baxda wuxuu yidhi
"Lixdii bilood ee u horeeyay sannadkan waxaynu soo iibsanay 19 milyan oo kilo
oo qaad ah, hadaad 10 dollar ku dhufato 190 milyan oo dollar weeye, mushkiladu
lacagta oo keliya maaha ee waa wakhtigii; caafimaadkii, iyo dhaqankii, waxaynu
nahay umad daroogo la qabsatay, waana meelaha loo baahanyahay in wax laga qabto
haddaynu doonayno inaynu horumarmno.”
Wuxuu
intaas ku daray "Kal hore cashuur yar baan ku kordhinay, inaan cashuurtaas ku
kordhino mooyee wakhtigan xaadirka ah joojinteedu waa tallo qaran, anigu waxaan
qabaa inaynu joojino laakiin waa fikirkayga, xaqiiqdu waxa weeye ila toban kun
oo qof ayaa ku nool oo nolol ka hela markaas waa inaynu u samaynaa ilo kale
dadkaas.”
Geeska