Waxa La Soo Xushaa Inta Xun Ka Ugu Liita Q.4aad ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday October 15, 2019 - 10:35:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxa La Soo Xushaa Inta Xun Ka Ugu Liita Q.4aad ( Abdi-Shotaly).

    Taxanahan oo ah qaybtii 4aad, iyana waxaynu ku eegi doonaa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taxanahan oo ah qaybtii 4aad, iyana waxaynu ku eegi doonaa,

in aynu dhawr kale oo  madax ku sheeg ah, siday wax u wadaan ku soo qaadano afcaa-shoodda, waxay ku hadlaan ee ayaan kaste taagan. markii kii wax duminaayey, kala eryaayey, cuqdadda qabay, ee colaad uu qabo in gaar ah ay beerka rigaaxday, akhristaw kaasi markuu sheegto mujaahid, iyo daba-leef uu ku qadhaabtaa, ee kii daacadda aha alagu sheego tuug iyo Xamar buu u adeegaa, weliba ay ugu sacab tumaan, qaar si khaas ah loo xanaaneeyaa, iyo gobologaar ah, oo lagu cashariyey hantiddii ummadda keligood, intii kale-na la yidhi cirka soo leefa, waxa meesha yaalaa waa maxay aan is weydiino'e? Muwaadin adba maskax fered baad ka qaadi waxa ka socdda dal-kiiye, iga qabo intan hoos ku taala iyana:-

 

(a) Meesha maxaa abhal ku ururay, Doqoni waa dudo jooge, Ka hor fadhiista Golaha Xildhi-baano ku sheega, ee la yidhaaho Baashe, isna waakii aad ogaydeen, waa kii ku qabsaday Cabdiraxmaan cirro kursiga ee feedhka lagala daalay, Akhristaw mar kale waa kii, kolkii uu arkay in laga badan yahay foodka, oo in yari u fooday, yidhi ha lagu celiyo, markii laga diiday-na yidhi goluhu wuu xidhan yahay, isaga oo aan tirin intii waxa la soo faray ka soo hor jeeday, meesha maxaa lagu ba'ay, bal kuwaas baynu eeganaynaa, oo weliba isu hadoodi-laynaa cadaalad iyo sinaan baa ka jirta, iyadda oo tii aynu isla garanayno lagu dabaal-joogtay-naayo, 

 

(b) Tan Somaliland la yidhaahaa maxay cid walba u jabtay, haad iyo habaqle-ba way ka haageene, Odayga magaca gaalka leh, ee isna ku andacoodda, waxan madax u ahay Gole uu ku carabaabo " Guurti", buu isna uu xabaasha ku sugayaa, wax uu kala saaro daayo, isaga baa hadalku dirqi kaga soo baxayaa, muxuu gar-qaadaa, maskaxdda buu ka caruuroobaye,   wuxuu ku hadlaayo aan garanayn. Miyaanu ahayn kii Guddomiyihii hore ee Golaha wakiiladda ( Cabdiraxmaan Cirro) lahaa Waar daaya ha baxee, waar askarigaw naga saar, ha tago waar na dhaaf, hadda waa ka loo soo xushay in uu maamulo " Guriga odayaasha", miskiin-kani muxuu ka garanayaa mansuuliyad, maskax-diisii 20 sano horteed, oo ay tidhi kan wax loogu sii jiraa ma hadhin. bal hadaba waan idin waydiyaye, muxuu taliyaa isagii baa canda-dawlane? Sawkan isku dhex daatay. 

 

(c) Waxa la yidhi oo murti somaliyeed ahaa " Usgag is biirsaday qudhun buu dhalaaye" Aan ku soo dhawaado halka i heemaysee, ka la yidhaaho Cabdiraxmaan ( waa balo caaye), waxa xilka loogu dhiibay buug uu ku caayey hablaha Garxajis, waayo ka u dhiibtay wax baa la qaba, inta la dembebesay markii ay ceebtii soo kartay, baa odayga " Guurti ku sheega" reer hebel ku maamulaa, ku af-gobaad-saday  ha la gubobal is weydiiyoo xagee bay ku dambaysay xaajadaas ahayd in la gubo buuga caydda haweenka lagu soo malmaluuqay?

 

Isku soo duub oo halkii  aad taabato-ba, waxa kaa soo raacaaya dhooqo maaroowday, oo indhaha daayo qalbigu diidaaayo. laakiin ay ku farxsan-yiihiin Kuwa ku shaqaysta magaca la bah dilay ee " Mujaahid" waxan halkan idiinku hayaa oo kale, in aan ruux naf lihi maamulka kulmiye soo marin, kuna jirin hor iyo dib-toona, marka laga reebo " Madax-weyne Siilaanyo intii uu caafimaad qabay, iyo Hogaamiye Xirsi Xaaji Cali intuu uu joogay Mguriggii la odhan jirey Madax-tooyadda, hadeerse isu rogay " Xaafad-tooyo". Wax-ba aratu ila durkina, waxan ku soo ooday, sidan waa ay ugu tallo galeen askarta dhabanaan-sani, inta ayse sii soconaysaa waa ayaamo tirsan, sababtana waad argtaa, oo waa taas gabal u dumay, hadeer way dhuun yeedhi-naysaa, qaarkii danbe ka baxday naftii, ee dhuunta bay kaga sii wareegaysaa, mana jirto wax u hadsani, ee Al-baqara iskaga akhria, inta aanay rafadkay ku jirto kugu dambaabidhin, waa taas isi soo taagtay ee meel ay qabsato waydaye.

        Dhamaad

 * N.B Tallo Xumo Waa lagu Turuntu-roodaa!

Qore:- Abdi-Shotaly

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...