Trump Oo Cunaqabteyn Weyn Ugu Hanjabay Turkiga..
ku qaadeen Waqooyiga Syria ee ka dhanka ah Kurdiyiinta.
Si kastaba, Trump
ayaa mar kale difaacay go’aankii uu dalkaas uga saaray ciidamada Mareykanka oo
dagaalka ka dhanka ah Daacish kula jiray dagaalyahannada Kurdishka.
"Dad ma waxaa
jira ay runtii la tahay inaan dagaal la galno Turkey oo xubin ka ah NATO?” ayuu
Trump ku qoray bartiisa twitter.
"Dagaallada aan
dhammaadka lahayn way dhammaan doonaan. Dadkii lugaha noo geliyey qaska Bariga
Dhexe ayaa ah kuwa hadda doonaya inaan halkaas sii joogno.” Ayuu yiri madaxweynaha.
Trump aya adhinaca
kale sheegay in laga yaabo in Kurdiyiinta "ay sii daynayaan qaar’ ka mid
ah maxaabiista Daacish, si ay Mareykanka u dagaal geliyaan, balse waxa uu
sheegay in si fudud ay dib ugu qaban karaan ciidamada Turkey ama dalalka Yurub
ee ay ka yimaadeen.
Trump ayaa sheegay
inuu hogaamiyayaasha congress-ka, oo ay ku jiraan dimoqraadiga kala shaqeynayo
in cunaqabateyn dhaqaale la saaro Ankara.
VOA