Spain Oo Xabsiga Dhigtay Hoggaamiyeyaasha Catalonia

0
Tuesday October 15, 2019 - 09:11:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Spain Oo Xabsiga Dhigtay Hoggaamiyeyaasha Catalonia

    Dibadbaxyo ayaa ka dhacay magaalada Barcelona kaddib markii maxkamadda ugu sarreysa Spain

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibadbaxyo ayaa ka dhacay magaalada Barcelona kaddib markii maxkamadda ugu sarreysa Spain

ay xukun ku ridday sagaal ka tirsan hoggaamiyeyaasha Catalonia oo lagu xukumay sagaal ilaa 13 sano oo xabsi ah.


Goonni u goosatada ayaa lagu eedeeyay inay ka qeyb qaateen afti xornimo doon ah oo sharci darro ah sanadkii 2017.



Saddex kale ayaa lagu ganaaxay amar diiddo, hase yeeshee xabsi laguma xukumin.

Dibadbaxayaal badan oo goonni u goosashada taageersan iyo booliiska ayaa isku dhac uu ku dhex maray Garoonka Caalamiga ah ee Barcelona.


Kumannaan taageerayaasha goonni u goosashada Catalonia ayaa sidoo kale isugu soo baxay waddooyinka iyagoo jidadka xiray.


Kaddib xukunka, warqad cusub oo xarig ah ayaa loo jaray hoggaamiyihii hore ee Catalonia Carles Puigdemont, oo dibadda ku nool.


Mr Puigdemont ayaa sheegay in dadka reer Catalonia ay dhibbanayaal u yihiin aargoosasho.

Wuxuu u qaxay Biljamka bishii October 2017 si uu uga fogaado in dacwad looga soo oogo Spain kaddib damacii goonni u goosashada ee fashilmay.


Gobolka qaniga ah ayaa hoy u ah ilaa 7.5 milyan oo qof, waxay leeyihiin luqad u gaar ah, baarlamaan, calan iyo astaan.

 

BBC

Loading...
Loading...