Ujeedada Kulan Muqdisho Ku Dhexmaray Wasiirka Arimaha Dibada Iyo Wafdi Ka Socday Hay'adda IOM

0
Monday October 14, 2019 - 18:45:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Kulan Muqdisho Ku Dhexmaray Wasiirka Arimaha Dibada Iyo Wafdi Ka Socday Hay'adda IOM

    Muqdisho, Oktoobar 14, 2019 - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, Oktoobar 14, 2019 - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,

Mudane Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Agaasime goboleedka Hey'adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) xafiis goboleedkeeda Bariga iyo Geeska Afrika, Mudane Mohammed Abdiker, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo ahmiyad wadaag leh, oo ay ku jirto u fidinta taageerrada laga-maarmaanka ah ee muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan dhowr dal oo Afrika, Aasiya iyo Yurub , iyaga oo ku jira xerooyin ay kala kulmayaan xaalad daran oo nololeed.

 

Waxaa kulanka sidoo kale lagu faaqiday taageeridda qorshaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku aaddan Qurba-joogta Soomaaliyeed si loo abaabulo kulamo, madal-doodeedyo iyo seminaarro lagu xoojinayo baraarugga iyo dareenka caafimaadsan ee qurba-joogta iyo muwaadiniinta dal-joogga ah si xad loogu yeelo tahriibka iyo halisaha ka imaan-kara isku miidaamintiisa, sidoo kale waxaa la isla eeggay barnaamijyada kobcinta awoodda ee lagu tayaynayo howlwadeennada.

 

Soomaaliya #Soomaali #Muqdisho #IOM

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada

Section of Press and Public Relations


Loading...
Loading...