Qaar Kamid Ah Meydadka Dadkii Ku Dhintay Shilkii Diyaaradda Itoobiya Oo Kenya La Keenayo

0
Monday October 14, 2019 - 12:40:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar Kamid Ah Meydadka Dadkii Ku Dhintay Shilkii Diyaaradda Itoobiya Oo Kenya La Keenayo

    Waxaa dalka Kenya laga dejinaya haraaga meydadka dadkii ku dhintay shilkii diyaaradda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa dalka Kenya laga dejinaya haraaga meydadka dadkii ku dhintay shilkii diyaaradda

 Itoobiya ee dhacay bishii Maarso ee sannadkan, meydadkaas la helay waxay ahaayeen dadkii kasoo jeeday Kenya ee shilka ku dhintay.


Diyaaraddii ET302 ayaa xilliggii uu shilka dhacayay kasoo ambabaxday magaalada Addis Ababa waxay ku wajahneyd Nairobi.



Waxaa bilooyin dhowr ah socday baaritaano dhanka Hidde-sidaha oo lagu sameynayay meydadka 157 qof ee ku dhintay shilkaas.


Diyaaradda waxaa saarnaa dad ka kala soo jeeday ilaa 30 waddan, Tiradii ugu badneyd ee ku dhimatay shilka waxay kasoo jeedeen dalka Kenya.


Xaalad murugo ah ayaa soo wajahday qoysaska 32-kii qof ee Kenyaanka ah ee ku dhintay xilli lagu wado inay arkaan haraaga meydadka.


Mas'uuliyiinta dalka Itoobiya waxay sheegeen in meydadka la aqoosan waayay lagu aasi doono goobtii uu ka dhacay shilka diyaaradda.

 

BBC

 

Loading...
Loading...