Waxa La Xushaa Inta Xun Ka Ugu Sii Liita Q.3aad ( Abdi-Shotaly).

0
Monday October 14, 2019 - 09:58:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1791
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxa La Xushaa Inta Xun Ka Ugu Sii Liita Q.3aad ( Abdi-Shotaly).

    Qayb-tani waa tii 3aad ee Cinwaanka taxanaha ah ee kor ka muuqadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qayb-tani waa tii 3aad ee Cinwaanka taxanaha ah ee kor ka muuqadda.

Wax waliba mar bay dib kuu soo maraan, haddii ayaamaha aad dunidda dul joogta, uu eebbe Caafimaad iyo cimri dheer kuugu deeqo. markaa-saad xasuus gashaa, oo dib u jaleecdaa wakhti kaa tegay iyo weedho la isticmaali jirey, oo hadda ( waa markaa aad joogto'e), kuu sheegaaya in aad wax ku qaatid, kana faa'iidaysatid waayo'aragnima-daas beri hore jiri-jirtey, imikana ifafaala-heeddii ay mar kale inoo muuqdaan. Hadaba akhristaw, waxan ku garaad-saday iyadda qofka la habaaraayo, lagu yidhaaho "Carcaraaf, oo ifka cidhib ha dhigin", odhaah-daas baa saaka mar qudha igu soo booday iyo wixii loo adeegsan jirey, waxan dabeed arkay, in Somaliland, uu hadda u dhamaaday " Carcareef " oo aanay marna si wacan cidhib u dhigaynin, inta ay hayaan askarta kala wareegsani, ummadda lagu yidhi been ku wadna gooyey, haddii kale xilka baa la idinka qaadayaa, sidaas oo ay tahay muwaadin, labddii qaybood ee hor, waxad ku soo aragtay, sideed ka mid ah maaulka askarta, oo ah kuwa durbaanka haragii ka qoyey, lagu yidhi u garaaca ummadda, oo meel kale u jeediya, qaybtan 3aad, iyana waxan ku soo ban-dhigayaa shan arimood ama mansuul ku sheega oo kale ee iyana iga hooya:-

 

(a) Weriye ka tirsan War-baahinta, baa Xafiis-kiisa ugu tegay, ka Sita Magaca " Gar-yaqaanka Guud Ee Qaranka", adba waad qosliye bal intan ila akhri uu ku jawaabay iyo waxa la su'aalay. Wuxu weriyuhu weydiiyey, Maxaabiista ku jirta jeelalka, waa loo diiday, in ay Ehela-dooddii iyo hay'yadaha Xuquual-insaanku soo booqdaan, arintaas iyadda ah, sidee baad adigu u aragataa? Hadaad tahay ninkii u xilsaarn distoor uu raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximani jeebka is kaga sitaan? Muxuu-se distoorku leeyahay? Wuxu ku jawaabay, wax aan loo fadhyin, lana filayn, edeb-darro iyo anshax xumi, akhlaaq darro tii ugu darayd, wuxu yidhi akhristaw " Kuwa daba ordaaya in iyaka laf-toodda beerka laga laado bay ahayd ( hadda waa eheladdii soo booqanaysay), Xuquuqal-insaana ma jiro ee waa qaar wax ku doonaaya, iyaka laf-toodda waa in la baabi'iyaa. Dadka ummadda la leeyahay meel ha gaadh-siiyeen, waa kuwa noocaas u hadlaaya, saw nasiib darro weyn maaha?

 

(b) Mar kale isla ninka kor ku yaala qodobka (a) ee sare. waa kii aad la socoteen, markii warka beenta ah labadda askari ay afuufayeen, Ururka Ucid iyo Xusbiga Waddani, ee ay lahaayeen waxan ku heshiinay in laba xubnood oo dheeraad ah loogu daro waxa ay ku sheegaan " Komishanka" oo u shaqeeya " Raggii ma adigaa ka hadhay", iyaba khiyaamo lagu gasaan-gasaayo bay ahayde, loo gudbiyey kuwa xilkii loo egmaday gabay ( waxad u taqaanaan Golaha xildhibaanadda ummadda) ama baarlamaan ku sheega'e, waa kii amarka lagu soo siiyey jooji oo waxad tidhaahaa, distoorku qori-maayo xubnaha la siiynaayo Mucaaradka, wuu ogolaan lahaa haddii xubin "Kullmiye" ahi ku jirto. Itaal baaska waa ka ay weliba sidaas ku door-bideen, oo leeyihiin waa xeerka ilaaliye, idinku akhyaareey wax ku sheega waxa ina hor tuban. ee kaas iyo qaar uu u shir tegayo ah.

 

(c) Nin baa waxa uu yidhi, intaan lafaha ruugi jirey, kudaafadda lagu tuuro baaban sidan dhaamay, ee saw anigan hadeer bakhtiga karsaday dooxa yaala. Waxan u soo qaatay weedhan, intii hore-ba bikh weeye, ee bal kana 

maxaad odhan doon-taan la yidhaaho " Boos mire" loo dirtay in uu caruurta kubadda u tuur-tuuro, marka beelaha mataanuhu wax khalad ah tirsadaana afka kaga bood lagu yidhi oo u jawaab, wax kale laguu diran maayee " Ilayn liid-waa-liid uun" hore baan qaybtii koowaad idiinku soo sheegay ( waa sidda uu Cinwaanku muujinaayee, in ruux-ba-ruuxuu hoos ka sii xigo uu maamul-kani xil aanu geyin u caleemo saaro! Iyana waa midh Subxaana-la iyo lama maqlaan ahe.

 

Isku soo xooriyoo waxa dalkii kharibay, inta ku qoran qaybaha uu ka hadlaayo cinwaanka sare, inta kuwaas iyo dufan raadis qaar lagu masruufaa, ee beenta faafiyaa ina hor joogaan, waa habeenkii tegay in ay Somaliland sidaas dhaanto, mana arko wax ka sii dhaca mooyaane, rajo ka soo naaso-cad, Somalidu waxay hore u tidhi " Xabaal iyo nin-keed loo kala teg" oo ujeedadu tahay qof iilka xabaasha lagu riday, ka quuso mooyee, dib buu kuugu soo noqon maayo, ka weli ku xisaab-tamayaw ma tihid ruux dhan, waxan ku soo qoofalay ugu dambayn, waxan ku odhaan lahaa ka-ka naxayaw, tan haad kaa gigaye, faataxadda uun u sii akhri, markaad xasuusato beri baa wax Somaliland la odhan jirey ay duunka ka mid ahayd, haddii kale miyaa, adaa dan u cago dhigan, markay kuu run sheegto, ee inta aanad maryaha xoorin waali awgeed, candhuuf-taadda dib uga liq, kuna ducayso halkay martay allaw ha i marin.

La Soco Qaybta 4aad.

 * N.B Xabaal Iyo Nin-Keeddii Loo Kala Teg Noqotay!

Qore:- Abdi-Shotaly

 

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...