Hawlaha Horyaala Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ee Cusub !!
Komishanka doorashooyinku waa hay'adda u qaabilsan dalka jamhuuriyada somaliland in ay doorashooyinka u qabato waana hay'ad qaran
oo dhisan oo shaqaysa oo leh shaqaale iyo khubaro aad ugu xeeldheer
arimaha doorashooyinka iyo waxii ay shaqadoodu tahay.
Hay'adaasi waxa maamula gudi doorashooyin oo ay soo xulaan axsaabta
qaranka, madaxweynaha jamhuuriyada somaliland iyo golaha guurtida
jamhuuriyada somaliland, gudidaasi oo ka kooban 7 xubnood waxaana loo
soo kala xulaa Madaxweynaha 2 xubnood, G.Guurtida 2 Xubnood, iyo
sadexda xisbi qaran oo min 1 xubin ah .
Gudidaasi marka la soo magacaabo ee laga wada ansixiyo dhamaan
xubnaha gudida golaha wakiilada jamhuuriyada somaliland ayaa kulanadooda
ugu horeeya waxa ay iska dhex doortaan gudoomiye iyo kuxigeen iyo
xubnaha kale oo midba shaqo loo asteeyo .
Gudida doorashooyinka qaranku shaqada ay qaranka u hayaan waa shaqo
culus oo xasaasi ah oo u baahan cadaalad iyo sida xaqu yahay in ay ku
shaqeeyaan shaqadoodana u gutaan iyaga oo aan cidna u habranayn oo ay
dalkooda masuuliyadaa loogu dhiibay aanay dhaawac iyo wax dhibaato keena
u horseedin.
Haddaba komishanka doorashooyinka qaranka ee cusub waxa horyaalla
hawlo culus oo loo baahan yahay in ay aad uga taxadiraan iskuna
taxalujiyaan in sharuucda dalka iyo is waafajiyaan xili doorasheedyada
oo inaga noqday la joojiyaana banaan la jiifiyaana banaan , arimahaasi
oo ay sababaan muranada axsaabta qaranka iyo duruufo dad samee ahi inta
badan .
Komishankan cusub waxa horyaalla :
▪ In ay qabtaan doorashooyinka dhamaantood inta muda xileedkooda ku beegan.
▪ In ay diwaangalintii cod bixiyaha doorashooyinka somaliland dib u
furaan oo ay diwaan galiyaan dadkii aan hore isku diwaan galin , dadkii
gaadhay da'dii lagu diwaan galinayey dadkii qaangaadhay Intii ka
dambaysay doorashooyinkii hore .
▪ Ka hawlgalida diwaan galin qaran oo dalku wax ku qaybsado doorashooyinka golaha wakiilada iyo waxii kale ee la mid ah .
▪ In ay qabtaan tartankii ururada iyo axsaabta oo mudadiisa khalkhal
soo galayo hadii 2022 ka xili ka horeysa la qabto doorashada golaha
deegaanka oo ah doorashada lagu furo ururada siyaasada, ama in la
raaciyo furista ururada siyaasadeed doorashada ugu horeysa ee deegaan ee
dalka ka qabsoonta mudada ka horeysa 2022 ga .
▪ Iyo in iska ilaaliyaan dhamaan khaladaadkii iyo caqabadihii
qabaaday komishanadii ka horeeyay oo dhan , aanay iska hagaajiyaan
waxwalba oo axsaabta qaranku ka cabatay ama dadweynuhu saluug ka
muujiyeen oo shaqadooda khuseeya.
▪ Ta ugu dambaysa oo ah in gudidaasi noqoto koox iyagu wada shaqaysa
oo danta doorashooyinka ku foogan , iskana ilaaliyaan danaha iyo
rabitaanada cida soo magacowday ee kala wada gaarka ah .
Muhamed Dhimbiil: Facebook
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Abdi Jama
@dhimbiil : Twitter
Mob: +252634241005
Email: [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...