'' Macalinkaygii Daacada Ahaa ''. W/Q: Ahmed Nuur Guruje

0
Sunday October 13, 2019 - 09:01:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Macalinkaygii Daacada Ahaa ''. W/Q: Ahmed Nuur Guruje

    Ninka sawirkan ka muuqdaa waa cali muxumed guuleed oo ku magac dheeraa cali maarshaal .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ninka sawirkan ka muuqdaa waa cali muxumed guuleed oo ku magac dheeraa cali maarshaal .

 

Marxuumku wuxuu ahaa nin aqoon yahana oo aqoontiisu gaadhsiisan tahay meel fog , nin wadaniya oo dalka jecel , nin qurbaha ku raagay oo hadan dadka iyo dalka aad u yaqaana .

 

Marxuumka wuxuu ahaa gudoomiyaha kaambaynka goboladda galbeedka somaliland ee xisbiga kulmiye 2008 , xiligaas oo aan ahaa arday firfircoon oo markaas jaamacada ka qalin jabiyey .

 

Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid ahaa guddi dhalinyarro oo marxuumka la shaqayn jirtay , habeenadii ugu danbaysay noloshiisana ay ku kulmeen Hoteelka Oriental hotel Hargaysa , wax badana ka faaiday .

 

Hadaba marxuumkan oo ahaa macalin aan wax badan ka bartay muddo gaaban oo aan la shaqaynayay , waxaa ka mida ahaa , waxyaabaha xasuusta igu reebay ee maskaxdayda raadeeyey ,

 

1- Ahmiyadda iyo muhiimaddu wadankani leeyahay iyo nimcada ku duugan .

 

2- Barwaaqadda iyo badhaadhaha la gaadhi karro hadii la dadaalo loona shaqeeyo si hufan oo hagaagsan oo aan madmadow lahayn .

 

3- Dadaal iyo wadaniyada aan niyad jab lahayn .

 

Si kastaba ha ahaatee , inkastoo qaladaadka iyo kacaa kufku iska jiraan , mar walba waxyaabaha dariiqa igu soo celiya waxaa ka mida tilmaamihii macalinka oo igu soo maxda .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...