Akhriso Nuxurka Khudbadihii Laga Jeediyey Munaasibadii Lagu Caleemo Saaray Madaxweynaha Jubbaland+Sawiro

0
Saturday October 12, 2019 - 23:14:09 in News by
  • Visits: 2315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Nuxurka Khudbadihii Laga Jeediyey Munaasibadii Lagu Caleemo Saaray Madaxweynaha Jubbaland+Sawiro

    Akhriso Nuxurka Khudbadihii Laga Jeediyey Munaasibadii Lagu Caleemo Saaray Madaxweynaha Jubbaland+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhriso Nuxurka Khudbadihii Laga Jeediyey Munaasibadii Lagu Caleemo Saaray Madaxweynaha Jubbaland+Sawiro


Waxaa magaalada Kismaayo Maanta lagu qabtay xafladda caleema-saarka madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.


Xafladda ayaa waxaa ka qeybgalay wafuud kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa dalka dabadiisa ka yimid.

Image may contain: 10 people, people sitting and suit

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 12 people, people sitting and suit
Image may contain: 12 people, people sitting and table

Waxaa ka mid ah xubnaha ka qeybgalaya xaflada caleema-saarka madaxwaynayaashii hore ee Somaaliya Xasan Sh Maxamuud iyo Sh Shariif Sheekh Axmed.


Madaxwaynaha Puntland Saciid cabdulahi Dani iyo madaxwaynayaashii hore e Galmudug iyo Konfur galbeed Shariif xasan Sh Adan iyo Cabdi Kariin Guuleed ayaa sidoo kale goobjoog ka ah.


Waxaa sidoo kale saaka Kismaayo gaaray wafdi ka socday dowladda Kenya oo uu hogaaminayay hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Adan Bare Ducaale.


Waxaa goobta xafladda ka hadlay madax kale duwan oo halkaasi khudbado ka jeediyay.

Image may contain: 3 people, people sitting and table
Image may contain: 1 person, sitting and indoor
Image may contain: 11 people, people smiling, people sitting
Image may contain: 3 people, people sitting, shoes and beard
Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoor

Madaxdii ka hadashay waxaa ka mid ahaa madaxwaynayaashii hore ee Soomaliya Xasan sh Maxamuud iyo Shariif sh Axmed.


Labada masuul ayaa waxay ka sinaayeen cambareynta ay u jeedinayeen dowladda fedaraalka ee hadda jirta.


Madaxwaynihii hore ee dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in uusan la dhacsaneyn qaabka ay dowladda dhexe wax u wado xilligan.


Mr Xasan ayaa sheegay in dalka uu ka jiro jahwareer siyaasadeed loona baahan yahay in dowladda fedaraalka ay qorshaheeda cadeyso.

Image may contain: one or more people and people sitting
Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor
Image may contain: 7 people, people sitting and table
Image may contain: 1 person
Image may contain: 1 person, smiling, hat

"Jahwareer siyaasadeed ayaa abuurmay,barito lama yaqaano waxa dhaca,jahwareerka siyaasadeed cawaaqib xumo ayuu leeyahay ",ayuu yiri Mr Xasan.


Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa dowladda dhexe ugu baaqay in dadka ay u sheegto halka uu dalku u socdo.


"Dadka meesha loo socdo ha loo sheego kii ra'yi ka qabo ra'yi ha ku darsado kii kale ha ku qanco oo inta uu gacanta taagto ha u sacbiyo ",ayu intaa ku daray.


Mr Xasan Sh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadlay doorashada Galmudug iyo sida ay dowladda dhexe u maareynayso oo uu sheegay in ay thay mid sharciga baalmarsantahay.


Madaxwaynihii hore ee dowladii KMG ahayd Sh shariif Sh Axmed ayaa isna khudbad ka jeediyay xafladda caleema saarka ee maanta Kismaayo ka dhacday.


Sh Shariif ayaa isna sidoo kale dhaliil u soo jeediyay dowoladda madaxwayne Farmaajo.


Waxa uu farta ku fiiqay in dowladda dhexe ay ka soo quusteen islamarkana talo loo baahan yahay sida uu hadalka u dhigay.


"Anagu waan ka soo quusanay dowladda dhexe,quus ayaan ka nahay waan ka nimid rajo xitaa noogama jirto ",ayuu yiri Mr sh Shariif.


Waxa uu sidoo kale Mr Sh Shariif carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay midnimo.


"Umadda Soomaaliyeed waxay maanta baahi badan u qabtaa midnimo,waxay baahi badan u qabaan in wixii ay qorteen ay dhaqangalaan ",ayuu intaa ku daray.


Madaxdii kale ee goobta ka hadashay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdulahi.

Image may contain: 1 person, text
Image may contain: 1 person, beard and text
Image may contain: one or more people and text
Image may contain: 1 person, text
Image may contain: 2 people, people standing

Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdulahi Dani ayaa ugu baaqay dowladda dhexe in looga baahan yahay inay tanaasul sameyso.


"Waxaad ogtihiin marka uu khilaaf dhaco mar walba ninka weyn inuu tanaasulo ayaa sharafta ku jirtaa,waxaan ka rajeynayaa dowladda fedaraalka ah in hadduba khilaaf jiray inay tanasulaad ka muujiso khilaafkii hore u jiray ",ayuu yiri Mr dani.


Madaxwaynaha Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda dhexe inay xabsiga ka siideyso wasiirkii amniga gudaha Jubbaland Cabdi Rashiid Janan.

Image may contain: 2 people, people standing
Image may contain: one or more people and indoor
Image may contain: 2 people, people standing
Image may contain: 2 people, people standing

"Waxaa kale oo aan jecelahay inaan halkan ka xuso wasiir Cabdi Rashiid oo ahaa wasiirada muddada dheer ka soo shaqeynayay hirgalinta Jubaland,waxaan ka rajeynayaa dowladda federaalka ah inay arrintaa xal ka gaarto xorriyadiisana dib ugu soo celiso ",ayuu yiri Mr Dani.


Madaxwaynaha la caleema saarayay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaan ayaa dhankiisa ku dheeraaday khilaafka mamulkiisa kala dhexeeya dowladda fedraalka.


Mr Axmed ayaa ugu baaqay dowladda dhexe in xal ay la timaado islamarkana ay maamulkiisa diyaar u yihiin wadahadalo.


"Waxaa masuuliyadda iska leh dowladda dhex,wax kasta oo xal iyo wanaag ah in ay keento,waxaan diyaar u nahay oo u aqoonsanahay inay waalid noo yihiin iyo inaan dowladnimo u aqoonsanaha", ayuu yiri ,madaxwaynaha ubbaland.


Madaxwaynaha Jubbaland ayaa sidoo kale xusay in ay dowladda ka so horjeedsadaan ay sababteeda leedahay dowladda dhexe.


"Inaan caaq noqono iyagaa sababi kara ,labad ilmood ee aad dhashay haddii sidan iyo sidan kala tiraahdo adaa wax walba isaga dhiga kara ",ayuu intaa ku daray.


Xalfaladda Caleema saarka ee madaxwaynaha Jubaland ayaa qabsoontay iyada oo wali uu jiro khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland.


Dowladda fedaraalka ayaa dib u doorashadii axmed Madoobe ku tilmaamtay sharci daro islamarkana sheegtay in aysan aqoonsaneyn.

Loading...
Loading...