Xubno Uu Madaxweyne Biixi Doonayo Inuu Ku Daro Guddida Doorashada Oo Magacyadoodu Dibada U Soo Baxeen

0
Saturday October 12, 2019 - 17:53:07 in News by
  • Visits: 6444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubno Uu Madaxweyne Biixi Doonayo Inuu Ku Daro Guddida Doorashada Oo Magacyadoodu Dibada U Soo Baxeen

    Xubno Uu Madaxweyne Biixi Doonayo Inuu Ku Daro Guddida Doorashada Oo Magacyadoodu Dibada U Soo Baxeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno Uu Madaxweyne Biixi Doonayo Inuu Ku Daro Guddida Doorashada Oo Magacyadoodu Dibada U Soo Baxeen


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland ayaa wali laga sugayaa inuu magacaabo sadexda xubnood ee sharcigu awooda u siinayo inuu u soo magacaabo guddida doorashooyinka somaliland.




Madaxweyne Muuse Biixi oo aan ilaa hada shaacin masuuliyiinta uu doonayo inuu u magacaabo ka mid noqoshada guddida cusub ee doorashooyinka somaliland balse waxa dibada u soo baxay qaar ka mid ah xubnaha uu maagan yahay inuu u soo xulo.


Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu doonayo inuu xubnaha cusub ee guddida doorashooyinka ku daro siyaasi Cabdirashiid Riyo Raac oo ka mid ah xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.


Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay madaxweynaha somaliland uga digayaan magacaabida Cabdirashiid Riyo Raac, isaga oo ku eedeeyey inuu yahay xisbiyahan ka tirsan Kulmiye isla markaana aanu noqon Karin xubin dhexdhexaad ah oo guddida doorashada lagu daro.


Sidoo kale baraha bulshada ayaa loogu hambalyeynayaa Mustafe maxamad daahir dhawal oo la sheegayo inuu ka mid yahay xubnaha cusub ee madaxweyne Biixi u xushay inay ka mid noqdaan guddida cusub ee doorashooyinka somaliland.


Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa laga sugayaa inuu maalmaha soo socda shaaciyo sadexda xubnood ee uu u gartay inay ka mid noqdaan guddida cusub ee doorashooyinka somaliland.



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...