Golaha Wasiirada Somaliland Oo Shir Aan Caadi Ahayn Iskugu Yimid Iyo Nidaam Cusub Oo La Horkeenay

0
Saturday October 12, 2019 - 16:29:13 in News by
  • Visits: 2510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada Somaliland Oo Shir Aan Caadi Ahayn Iskugu Yimid Iyo Nidaam Cusub Oo La Horkeenay

    Golaha Wasiirada Somaliland Oo Shir Aan Caadi Ahayn Iskugu Yimid Iyo Nidaam Cusub Oo La Horkeenay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirada Somaliland Oo Shir Aan Caadi Ahayn Iskugu Yimid Iyo Nidaam Cusub Oo La Horkeenay



Hargeysa(HWN):-Kal-fadhigii 43-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ahaa mid aan caadi ahayn oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu gorfeeyey hirgelinta nidaamka E-Government (Somaliland E-government system).

Image may contain: 6 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 1 person, sitting and table
Image may contain: 5 people, people sitting and indoor
Image may contain: 6 people, people sitting, office, table and indoor

Wasiirka Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Mudane Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil ayaa golaha wasiirrada u soo bandhigtay hirgelinta nidaamka E-government oo ah barnaamij hufan oo deg-deg ah kaasoo dhammaan adeegga dawladda u beddelaya habka horumarsan ee casriga ee la jaanqaadaya Tignoolajiyadda casriga ah (Electronic Government), si dawladda Somaliland ula jaanqaaddo horumarka Tiknoolajiyadda, waxana barnaamijkani uu ka qayb-qaadan doonaa horumarka dhaqaalaha, fidinta adeegga bulshada, ka faa’iidaysiga Tiknoolajiyadda, daah-furnaanta shaqada, maamul daadejinta shaqooyinka, xaddidaadda kharashaadka haatan dawladda kaga baxa Tiknoolajiyada, keydinta iyo ilaalinta badqabka xogta dawladda iyo fududaynta macluumaadka sharciga, wuxuuna isku xidhidoonaa hay’adaha laamaha dawladda isagoo midaynaya wasaaraddaha shaqo wadaagga leh.


Barnaamijkan hirgelinta nidaamka E-Government waa markii u horraysay ee laga hirgelinayo dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo muujinaysa heerka horumarsan ee Somaliland ka marayso dhanka Tiknoolajiyada casriga ah ee dunidu u guurtay.

Image may contain: 9 people, people smiling, people sitting, table and indoor
Image may contain: 8 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 5 people, people sitting


Golaha wasiirradu waxay go’aamiyeen in guddi loo saaro hirgelinta nidaamkan E-Government, in dhammaan hay’addaha laamaha dawladdu yeeshaan waaxo u gaar ah ICT-ga (Information Communication Technology), sidoo kalena lagu daro manhajka waxbarashada ee dalka waxana nidaamkan E-Government uu qayb ka ahaa barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye, isaga oo waafaqsan qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (NDPII).


ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Loading...
Loading...