Kusimihii Xoghayaha Amniga Mareykanka Oo Is Casilay

0
Saturday October 12, 2019 - 08:48:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kusimihii Xoghayaha Amniga Mareykanka Oo Is Casilay

    Waxaa is casilay ku simihii xogyaha waaxda amniga gudaha ee dalka Mareyknka Kevin McAleenan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa is casilay ku simihii xogyaha waaxda amniga gudaha ee dalka Mareyknka Kevin McAleenan,
kadib marki uu lix bilood uu xilka hayay.




Madaxweyne Donald Trump ayaa qoraal uu bartiisa Tuwiiter-ka soo dhigay ku sheegay in Mr McAleenan uu rabo inuu waqti badan la qaato qoyskiisa isla markaana shaqsiga badalaya uu todobaadka soo socda uu magacaabi doono


Mr McAleenan, oo ah 48 jir ayaa ah qofkii afaraad ee loo doorto madaxda amniga Mareykanka intii uu xilka hayay madaxweyne Trump.


Waxaa uu ka shaqeeyay iscasilaaddiisu iney uga wacan tahay siyaasadaha ee madaxweyne Trump ee ku aaddan xakameynta soo galootiga xuduudda Mareykanka iyo Mexico


Si kastaba ha ahaatee dadka wax taxliiliya ayaa iscasilaaddan ku tilmaamay in uu jiray xiriir qallafsan oo ka dhex jiray labada dhinac, waxaana Mr McAleenan uu dhaleeceeyay doodda la xiriirta dadka soo galootiga ah .


Isaga oo Mr Trump shaacinayay iscasilaada mas'uulkaan ayaa waxaa uu sheegay in Mr McAleenan uu qabtay shaqo aad u wanaagsan.


"Si wanaagsan ayaan uga wada shaqeynay arrintii xuduudda ," ayuu yiri.


"Kevin Hadda sanado badan kadib oo uu dowladda ku jiray waxaa uu doonayaa in uu waqtigiisa ku bixiyo qoyskiisa iyo arrimihiisa gaarka ah


Mr McAleenan waxaa uu noqday kusimaha Xogyaha madaxa waaxda amniga Mareykanka kadib markii ay xilkaan iska casishay bishii Abriil Kirstjen Nielsen, oo ahayd haweenay uu Madaxweyne Trump inta badan ku eedayn jiray in aysan ku adkeyn wax ka qabashada xakameynta dadka soo galootiga ah.


Xiligii maamulkii Madaxweyne Barack Obama, Mr McAleenan waxaa uu ahaa wakiilka kastamka iyo ilaalinta xuduudaaha dalka Mareykanka.


Sanadkii 2015-kiina, waxaa uu helay abaalmarinta adeegga bulshada.


BBC

 

Loading...
Loading...