Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Wada Hadal La Yeeshay Safiirka Midawga Yurub

0
Friday October 11, 2019 - 19:19:24 in News by
  • Visits: 1538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Wada Hadal La Yeeshay Safiirka Midawga Yurub

    Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Wada Hadal La Yeeshay Safiirka Midawga Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Wada Hadal La Yeeshay Safiirka Midawga Yurub


Hargeysa(HWN:-Gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midawga yurub u qaabilsan soomaaliya Nicolás Berlanga Martinez oo booqasho shaqo ku jooga somaliland.




Gudoomiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan maxkamada sare ee somaliland ayaa kulanka ay la qaateen safiirka Midawga yurub Nicolás Berlanga Martinez waxay kaga wada hadleen sidii loo soo xoojin lahaa wada shaqaynta u dhaxaysa hay’addaha garsoorka iyo cadaalada somaliland iyo midawga yurub.



Gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali waxa uu midawga yurub uga mahad celiyey taageerada dhaqaale ee ay la garab joogaan hay’addaha garsoorka iyo dawlada somaliland-ba.



Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa safiirka midawga yurub u sheegay inay uga fadhiyaan sidii midawga yurub iyo wadamada kale ee caalamku u soo leexin lahaayeen taageerada dhaqaale ee ay somaliland siiyaan isla markaana ay ka dhigaan mid u qalanta.



Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay doorashooyinka baarlamaanka ee somaliland ku soo socda iyo doorka ay ku leedahay maxkamada sare ee somaliland.

Loading...
Loading...