Maraykanka Oo Shaaciyey Inuu Dhimayo Tirada Qaxoontiga Soomaalida Ah Ee Dib U Dejinta La Siinayo

0
Friday October 11, 2019 - 17:05:45 in News by
  • Visits: 2294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Shaaciyey Inuu Dhimayo Tirada Qaxoontiga Soomaalida Ah Ee Dib U Dejinta La Siinayo

    Maraykanka Oo Shaaciyey Inuu Dhimayo Tirada Qaxoontiga Soomaalida Ah Ee Dib U Dejinta La Siinayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka Oo Shaaciyey Inuu Dhimayo Tirada Qaxoontiga Soomaalida Ah Ee Dib U Dejinta La Siinayo


Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka sheegay isu soo bax uu ku qabtay magaalada Minneapolis in uu dadaal u gali doono sidii aad loogu xakameyn lahaa qaxootiga dib u dajinta laga siinayo gobolka Minnesota.

Madaxwayne Trump


Gobolka Minnesota ayaa waxa uu hoy u yahay tirada qaxootiga ugu badan ee Soomaalida ah ee ku nool Mareykanka.


Waxa uu sheegay in tan iyo intii uu xukunka qabtay uu hoos u dhigay qaxootigii dib u dajinta laga siinayay guud ahaan Mareykanka.


"Tan iyo intii aan xafiiska imid waxaan dhimay qaxootiga 85% " ,ayuu yiri Mr Trump.


Waxa uu khubda ka jeedinayya isu soo bax lagu qabtay Target Center.


"Sanooyiin badan hogaamiyayasha Washington ayaa waxay gobolkiina keeneen gobolkiina qaxooti badan iyada oo aan la eegin saamayn ka dhalan karta ee dhanka iskuulada bulshada iyo canshuur bixiyayaasha " ,ayuu yiri madaxwayne Trump.


"Waxaan idin ballanqaadayaa ka madaxwayne ahaan in bulshada aan siiyo fursad ay go'aan ugu yeelan karaan siyaasadaha qaxootiga iyo in la dajiyo qorsha sare loogu qaadayo turxaan bixin la smaeeyo iyo xakameynta muhaajiriinta"ayuu intaa ku daray.





Source:-BBCsomali

Loading...
Loading...