Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ku Guuleystay Billada Nobel Peace Prize

0
Friday October 11, 2019 - 16:54:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ku Guuleystay Billada Nobel Peace Prize

    Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa maanta ku guuleystay billada nabadda ee Nobel Peace Prize,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa maanta ku guuleystay billada nabadda ee Nobel Peace Prize,
sida uu shaaca ka qaaday guddiga Nobel ee fadhigiisu yahay dalka Norway.


Abiy Ahmed ayaa billadan lagu siiyey dadaalladii uu u galay inuu xaliyo dagaalkii qaraaraa ee dhinaca xuduudda ee dalkiisa kala dhaxeeyey dalka deriska la ah ee Eritrea.



Abiy waxaa lagu sharfay "dadaalladii uu ugu guuleystay nabadda iyo wada-shaqeynta caalamiga ah, si gaar ahna hindisihiisii wax ku oolka ahaa ee uu ku xaliyey dagaalkii xuduudda ee kala dhaxeeyey dalka deriska la ah ee Eritrea” sida ay sheegtay xeer-beegtida Nobel.


Xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa yiri "aad ayaan ugu farxasannahay dal ahaan inaan ku guuleysanno billada Nobel Peace Prize.”


Tan iyo markii uu noqday ra’iisul wasaaraha Itoobiya bishii April ee 2018, Abiy oo 43 jir ah, waxa uu si aan joogsi lahayn u qaatay siyaasado beddeli kara mustaqbalka bulshad dalkiisa.


Isaga oo lix bil un xukunka haya, ayuu la heshiiyey Eritrea, xabsiga kasii daayey mucaaradka, raali gelin ka bixiyey xadgudubyadii dowladda, islamarkaana dalka kusoo dhoweeyey kooxihii dibad-joogga ahaa ee madaxdii ka horreysay ay ku calaameeyeen "argagixisada.”

 

VOA

 

Loading...
Loading...