Kenya Oo Wufuud U Direysa Caleemo Saarka Axmed Madoobe

0
Friday October 11, 2019 - 16:41:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Wufuud U Direysa Caleemo Saarka Axmed Madoobe

    Kenya ayaa ku dhawaad 40 wufuud ah u direysa magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan caleemo saarka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya ayaa ku dhawaad 40 wufuud ah u direysa magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan caleemo saarka
madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, sida uu BBC u xaqiijiyay hogaamiyaha aqlabiyadda Kenya, Aadan Barre Ducaale.

"wafddi culus ayaa u hogaaminaya Kismaayo oo ka qeyb geli doono caleemo saarka Axmed Madoobe" ayuu yiri Ducaale.



Waxay arrintani imaaneysaa xilli dowladda Kenya ay horey u aqoonsatay doorashadii lagu doortay Axmed Maxamed Islaam halka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.


Shaley, waxaa Kismaayo gaaray madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed xilli la filayo in ay qabsoonto xafladda caleema saarka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo dib loogu soo doortay doorashadii madaxweynaha Jubbaland ee dhawaan dhacday, inkastoo uu muran badan hareeyay.


Siyaasiyiinta kale ee Kismaayo gaaray waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

 

BBC

 

Loading...
Loading...