Hogaamiyayaasha Geeska Afrika Oo Addis Ababa Ka Furay Beerta Midnimada+Sawiro

0
Friday October 11, 2019 - 11:24:29 in News by
  • Visits: 2940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyayaasha Geeska Afrika Oo Addis Ababa Ka Furay Beerta Midnimada+Sawiro

    Hogaamiyayaasha Geeska Afrika Oo Addis Ababa Ka Furay Beerta Midnimada+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyayaasha Geeska Afrika Oo Addis Ababa Ka Furay Beerta Midnimada+Sawiro


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta Midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey dalka Itoobiya ayaa sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Image may contain: one or more people, sky, cloud, grass, tree, outdoor and nature

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing and suit
Image may contain: 7 people, people standing, suit and outdoor

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ay hodan ku tahay Soomaaliya, waxa uuna xusay in cimilada dalkeenna iyo bilicdiisuba ay horseedayso in ay ku soo hirtaan dalxiiseyaasha heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah.


"Dhinacayaga, waxaa naga go'an dhiirri-gelinta dalxiiska iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalkeenna, taas oo ay fududeynayso duullimaadyada tooska ah ee maalinlaha ah.”

Image may contain: one or more people, crowd, shoes and outdoor
Image may contain: 6 people, people smiling, people standing, suit, wedding and outdoor
Image may contain: 8 people, suit, wedding and outdoor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay kula tartamaan dalalka Gobolka horumarka iyo wax wada-qabsiga, isagoona adkeeyey in ilaalinta daris wanaagga ay fure u tahay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah.

Image may contain: 5 people, people standing, suit and wedding
Image may contain: one or more people and indoor
Image may contain: 9 people, wedding and indoor
Image may contain: 1 person, standing

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyneyaasha dalalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit, Raiisul Wasaaraha dalka Suudaan Mudane Cabdalla Xamduuk iyo wufuud kale oo ka socotay dalalka Gobolka.

Loading...
Loading...