Ku Xadgudubka Xasaanada Dhaqameedka Haataan. Aden Dayr Tacshiirad Buudulmariyey Xukuumadaha Kulmiye.

0
Thursday October 10, 2019 - 10:17:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku Xadgudubka Xasaanada Dhaqameedka Haataan. Aden Dayr Tacshiirad Buudulmariyey Xukuumadaha Kulmiye.

    Horta waa markii u horaysay een qof maqaalkii ku xidhiidhiyo maqaaladayda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horta waa markii u horaysay een qof maqaalkii ku xidhiidhiyo maqaaladayda
laakiin  tani  waxaa  igu qasbay  in Aden Dayr  oo ah nin sharaf iga mudan , shakhsi ahaan na aanan sqoon gaara u lahayn laakiin aan ogay inuu kaadiriinta  Kulmiye yahay  horena u ahaa Af hayeenkii hore ee Madaxtooyada Xukuumaddii uu Siilaanyo ka xanuunsaday. Anigu  badi dadka kama  hadlo ee (subject)ga ama mawduuca  ayaan ka hadlaa waanay  ii kala qalanyihiin qofka  iyo mawduucu oo iskagama  kay qaldammaan. Aden Dayr wuxuu si wacan u caddeeyey in isbedel xumi  ka jiro xagga sida madaxda siyaasadda  iyo kuwii  dhaqanka ahaa ay madalaha aan siyaasadda ku shaqada  lahayn ula  dhex tegayaan cay, aflagaado, cabaarayn reer, xusbi, cay wadan kale suldaano.


 Meel kastoo  dad la isugu yeedho ujeeddo kale Madaxdii Xukuumaddu waxay jidaysatay dhaqan xun oo Madashii u jeedada lahayd cay iyo dad kale sooc. Waxaana wadanka waxaa la yimi Kulmiye iyo Xukuumadihii. Waad ogtay Silaanyo gudoomiye Xusbi ah baa dhaqan xumada madalaha  laga hadlo soo bilaabay oo Madaxweynihii Riyaale we sharafta lahaa ku  yidhii 'SHAABUUG BAAN KAAGA SOORAYNAA MADAXTOOYADA' waanay ka dhabayn lahaayeen haddaan Riyaale dhab-Libaax ku fadhiyin. SILAANYO FAYSAL WUXUU KU YIDHI 'UF' . 

Markii Kulmiye wadankii xukuumaddii qabtayna si cid waliba 'UF' U noqoto waxaa aad ogaatay ayaa madalihii oo dhan xukuumaddii la tagtay, xitaa aroosyadii, taraarihii, ALLAH BARIYADII XAFLADIHII QALIN JEBINTA (YOU NAME IT). KULMIYE DANTII GUUD UUN MUU BOOBIN EE WAX KASTA WUU DHALAN ROGAY OO DHAQANKII BUU BIIYEY.mayd keebaa u dambeeyey baa la yidhi iyo kaa la sii sido. Mataggii wasiirkii gudaha ee ummadda wada noolaashaheeda inuu ka shaqeeyo iyo nabadda SOMALILAND ayaa siduu wax isugu dirayey aad arkaysay, Sanaag Bari iyo Warsangeli sidii Xukuumadda hadaladeedii xumaa hawada uga saartaad  ogayd.Markaa waa runtaa dhaqan xumo ayaa ina hortaal xaggii wada hadalka ummadda Xukuumadda Kulmiye ayaa keentay wadanka waxaa weliba waddo oo ay hogaamiyayaasheedu u arkaan inay sidaa siyaasaddu ugu badinayso laakiin dadweynaha Kulmiye taageera iyo kuwa xisbiyada kale taageera iyo bulshadoo dhan dhaqan xumada iyo waxan madalaha Faysal iyo madaxda Xukuumadda cadaysteen waad arkaysaan. 

Arintaana reer Kulmiye xukuumadda ha kala hadlaan sidii ay u joojin lahayd  haddii kale iyadaa cirka roob ku og.

Imika waxaasi waxay dhaliyeen inaan sharcigii lagu kalsoonayn muxaafid iyo mucaarid ba maxaa waxay  boqol jeer baa Madaxtooyada xaggeeda sharcigii ixtirraami weyday wax is weydaarin cad ku shaqaysan oy nu u soo joognay Wasiiraddii oo ka dareeray Xukuumaddii oo mucaaridkii galay. Waxba inooma  kala  qarsoona Afxumo iyo wax qabad sumo iyo caddaalad daro iyo  hadal xumo iyo qabaail kala sooc  xukuumadddii Kulmiye  ayaa waday wadana. Markaa halkay inala marton aynu sugno.

M Bashe 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...