Xalaal Miirasho Mise Xaabaysi! Qalinkii: Axmad Cali Kaahin.
(haddaad habeenkii xaabaysato waxa laga yaabaa in mar uun aad Abeeso qaadato).
Dhamaan dhaqaaq
kasta ama dhacdo kasta oo nolosha saamaysa waxa jira dabar ama xariiq u yaala
oon laga talaabi karin, ilaa la raaco baab kiisa furdaamiya ficilkasta oo
diintu inoogu dhigtay, dhaabado adag oon laga talaabi Karin si kasta oo xaaladu
ahaato.
Hadda waxa baahi
wayni ka jirtaa ganacsiga oo u baahan qof kas tana waajib ku tahay
in uu aqoon u leeyahay Baabka bayca ama iibka. loo yaqaan
marka Fiqiga la joojo.
Si looga
dheeraado dhinaasho ama dhaawac macmiilka gaadha ama ganacsadaha oo riiqdeeda
iyo saamaynteedu daba dheeraato, adoon dhaadayn gadis yar oo aqoon la’aani kugu
sim birixiyo kaasi oo aanad kasoo kaban karin kabid’deeduna Diin
ahaan.
Ganacsigu waa
mid kamida meelaha dadka iyo dal kuba ka ruqaansado gaar ahaan ganacsiga yaryar
ee is ku xidhiidhsan sida silsilada. haddana waxaa m;toonaanta ganacsiyada
shareecada waafaqsanayn ee il’ duufka inta badan ku dhaca.
Ku waa oo
dhaawac iyo dhibaato wayn dadka iyo dalka ku abuuri kara sida Ribaa oo aqoon
badan iyo il dheeraan durugsan iyo dhugasho sare u baahn. Maadaama Rabbi swt.
Wacad ku maray in uu dagaal lagali doono dadka caadaysta qaab ganacsiyeedkaa
dhiig miirashada ah iyo baahi ka macaash ka ah.
Dambi waxaa
inoogu filan in aqoon la aan dhex dabaalano gadis kasta oo ganacsiyeed ama la
taliye shareecadeed lahayn. Markay badwayn xushana Idaacadaha telefoon u soo
dirno, sheekh maxay shareecadu ka qabtaa sidaasaan muddo hawshayda kusoo watee.
Waa mar dadka iyo dalkaba aad balaayo huluuqsiisiinay.
Dusmooyinka
aqoon la’aanta sharciga Fiqiga waxa lagaga caafimaadi karaa in qofkastaa aqoon
u yeesho baabka looyaqaan Bayca ama aad lahaataa la taliye
Fiqiga oo shareecada ah. haddii kale waxaan noqon uun xaabayste habeenkii marka
gurcudku dumo, meelaha wax kasta qaata ama halaq ama badeecad kolba kuu haleelo
indhoolahasi.
In qofku
noloshiisa dabaro waa mid kamida cibaadooyinka waawayn. nolol xalaala oo
dhawrsoon ku noo laadaa. wayna ka fadli badan tahay in aad masaajidka is ka
dhex fadhido, balse waa saacad cibaado iyo saacad nolosha la dabaraayo.
Saxaabada Rabbi
swt. Raali haka wado ahaadee. Waxay lahaayeen tujaar kuwaas oo haddana
ahaa Suhaad(dad aduunyo ka dhawrsaday) oo safka hore seegin
marna khayr kasta. Sabab too ah aduunyadu gacantooda umayn dhaafin qalbiga,
taasi oo haddii ay dhacdo qalbigu indho beelayo.
Culimada ayaa is
waafajiya waxa saahidnimadodii iyo tujaarnimadoodii kaliya
waxay ku soo koobaan in marka maalka faaiidadiisu badato may farxi
jirin marka maalku khasaarana may nixi jirin. Taasi oo iimaankooda iyo
qanaacadoodu meel raasukh iyo rasmi ku ahayd dhaldhalalka aduunyaduna wax
dheeliya ku keeni jirin.
Sidaa daraadeed
Rabbi Swt. Isagoo amaanaya dadka wuxu yidh (waa rag tijaarada iyo iib
midna ilawsiinayn xuska Rabbi swt).
Taasi oo tilmaan
cad inaga siinaysa in ganacsigu yahay mid mashquul badan oo kaliya ragga, ragga
ah mashquulin. Iyo ka digtoonida dhalan teedka iyo mac macaanka gaaban, ee
geediga lagu jiro in laguu soo jirana aynaan dhaadayn.
Ganacsigu waa
mid kamida tiirarka horumarka lagu gaadho diin teenuna dhiirisay, halka dhinaca
kale uu aad u kobciyo waxa loo yaqaan damaca sare kaasi oo mararka qaar laac
khatara waajaha. Badina kamid dabinada uu shaydaanka ku adeegto si uu karkaarka
u waydaariyo aadamaha dhexdoodana u abuuro uur ku taalooyink riiqdeedu raagto.
Waxa uu abuuraa
jawi ku qarqoomid iyo mashquul aad u badan iyo qalooc ku raadin arsaaqda iyo
taasi oo dabino halisa marmar lagu dhaco. Arsaaqdu way qoran tahay hadba adigaa
leh doorashada waddadaad ku raadinayso xalaal iyo xaaran doorashadu waa
qaacidda kala saaraysa hadba siday u ee keenayso noloshaada hadda iyo bari.
Shaydaanku qofka
uu cibaadadiisa u taag waayo waxa uu ku yidhaa (waar bal soo eega halka
Arsaaqdu ka soo gasho,) haddii wax yar oo xaaraani jiraan wuxuu
shaqaalaha hoose ibliis ku yidhaahdaa. is kaga rawaxa waligiiba ha
cibaadaystee waxba laga aqbali maayee. Subxaan.
Khatarta
xaaraantu way ka halis badan tahay dambi kasta waayo waxay saamayn toosa ku
leedahay cibaadada iyo noloshaada dambe iyo ta xaadirka ah. Halka dambiyada
kale ku kooban yihihiin dhacdada. Sidaa daraadeed waa in aan taxadirnaa oo
xaliibnaa waxa ina soo galaya iyo sidaan ku bixinayno. Su’aalaha caanka ee
qiyaamahana maalka 2 suaaloodbaa ugu jira. Halkeed ka heshay kuna bixisay. Ducada
dadka laga aqbalaana waa xalaal miiradka ilaaliya labadaa dariiq.
Maanta baahi
wayn baa ka jirta mawduuca hadii aynaan u kicina dhamaanteen way ina dambarsan
doontaa. Badbaadaynu dhamaanteen uga baahanahay dhawrida iyo barida dhaqan
wanaanga jiilkan iyo jiilalka soo socdaa si aanay u moodin in noloshu tahay
booba yaa waddani. mawduucan waxaanu ka sheekaysanay Guuleed
Axmed Cumar liibiya. Allaw na dhawr dhamaantayo.
Qalinkii Axmad
Cali
Kaahin.
HA HILMAAMIN XUSKA RABI.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!