Xisbiga Kulmiye Wuxuu Soo Gaadhey Xiligii Ay Ka Tashan Lahaayeen Laba Beelood Oo Cududa Xisbigaasi ah Jibriil Abokor iyo Muuse Abokor

0
Thursday October 10, 2019 - 10:06:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Kulmiye Wuxuu Soo Gaadhey Xiligii Ay Ka Tashan Lahaayeen Laba Beelood Oo Cududa Xisbigaasi ah Jibriil Abokor iyo Muuse Abokor

    Inkastoo ay Ragga Maanta Haya Mindida Daabkeedu ugu Muuqato.in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo ay Ragga Maanta Haya Mindida Daabkeedu ugu Muuqato.in
 Lagu Soo Guurey oo haddana Sidii hore, ay Mar labaad qorsheysteen in Dib Loogu Guuro, taas oo noqonaysa mid Riyo ah Marka Xaqiiqsa hoos loogu dhaadhaco Islamarkaana, Burbur iyo Kala jab Weyn ku noqon Doonta Xisbigaasi Kulmiye hadii aan Waxba la iskaga tirinin lagana Eegin Damac iyo Dareen labadaba.



"Waxaad Maagan Tahey, iyo Waxaad Mudan Doontaa Kala Mid Weeyaan".

Hadaan hoos ugu dhaadhaco dulucda Nuxurka Qoraalkan anigoo ka Shidaal Qaadanaya Shirar docoodyadii iyo Kulamadii Mudooyinkii U Dambeeyay u Socdey dhalinyaradda iyo Waxgaradka iyo Aqoonyahanka labada Beelood ee Jibriil Abokor(Sacad-Muuse), iyo Muuse Abokor(Habar-jeclo), kuwaas oo kulanadoodu daaran yihiin Dhaqdhaqaaqyada Kasoo Cusboonaadey Xisbiga Kulmiye iyo halka uu Rajo dhigi doono Hogaanka Mustaqbalkiisa oo aad moodo in Ragga Talada hayaa mar kale kuwadaan halkii hore ee laba jeer ka Fushey Darka Kulmiye Gaar ahaan Beelaha Xuseen-Abokor(Sacad-Muuse), iyo Maxamed Abokor(Habar-jeclo) oo kala ah Beelaha ay kasoo jeedeen Madaxweynihii hore Ahaana Gudoomiyihii hore ee Xisbiga Ku Wareejiyay Gudoomiyaha Xiligan iyo Madaxweynaha hadda Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi Cabdi.

Sikasta oo loo Rogrogo iyo Gees kasta oo lagaga yimaado Waxey Arimuhu soo fadhiisanayaan in ay Caqliga Taageerayaasha Aqlabiyadda Xisbiga Kulmiye Cay ku tahey innay hadana Mar kale isugu Qoridhiibtaan, Madaxweynaha Maanta Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa Daakhiliga, Maxamed Kaahin Sababtoo ah Labada Beelood ee Xuseen Abokor(Sacad-Muuse), iyo Maxamed Abokor(Habar-jeclo) Waxaa jirtey marka dhab loogu Noqdo Sooyaalkii Taariikheed ee Xsibiga ay in aaney taageeradoodu aheyn Mid dhameys Tiran Ilaa Xiligii Doorashadii 2003dii oo ay kala badh badheedhe ugu taageereen Xisbigii Udub haseyeeshee, Labada Beelood ee aan kor kusoo Xusney ee Jibriil Abokor iyo muuse Abokor ay ahaayeen Aqlabiyadii xisbigaasi iyo Odaygiisii Axmed Siilaanyo ka Dhiman Waayeen.

Gabagabadii Waa laba Beelood oo Lafdhabar ku ah Xisbiga Kulmiye, Waa laba Beelood oo Rag Damac lihi kasoo jeedaan Marnaba suurtagal ma aha in Mar kale La isku Qori-dhiibo hadii ay labadaa ardaa oo kaliya ku Koobnaato, Waa Burburkii Kulmiye ee ha dhigtaan Madaxweyne Biixi iyo Wasiirkiisa Arimaha Guduhu Labadii Sanduuq ee Haa Buluuga iyo Maya Huruuda ee ay Askarinimada Casharadoodii kusoo Qaateen. Hadii Xisbiga Kulmiye Loo dhiibo Maxamed Kaahin Waxaa Tusaale inoogu filan Xilka hadda loo dhiibay ee Wasaaradda Daakhiligu Sidavay u Alabaabada usoo Xidhatay, ee Shaqadeedii u Gudan Weyday taas oo Kulmiyena kasii Darnaan Doono.

Wabilaahi Tawfiiq

Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tel:0634466339
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...