Golaha Guurtida Oo Xeer-Nidaamiyaha Wasaaradda Waxbarashada Ku Tilmaamay Mid Dastuurka Ka Hor Imanaya

0
Wednesday October 09, 2019 - 20:49:06 in News by
  • Visits: 1666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtida Oo Xeer-Nidaamiyaha Wasaaradda Waxbarashada Ku Tilmaamay Mid Dastuurka Ka Hor Imanaya

    Golaha Guurtida Oo Xeer-Nidaamiyaha Wasaaradda Waxbarashada Ku Tilmaamay Mid Dastuurka Ka Hor Imanaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Guurtida Oo Xeer-Nidaamiyaha Wasaaradda Waxbarashada Ku Tilmaamay Mid Dastuurka Ka Hor Imanaya


Hargeysa(HWN):-Gudidii golaha guurtidu uu u saaray khilaafka ka dhex jiray dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo wasaarada waxbarashada Somaliland, ayaa soo saaray in xeernidaamiyaha ay isku khilaafsanaayeen wasiirka waxbarashada iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay uu ka hor imanaayo dastuurka iyo xeerka waxbarashada ee Somaliland. Gudidan ayaa golaha guuritda ka hor akhriyay go’aanka ay soo saareen, waxaana golaha ka hor akhriyay xoghayaha guud ee golaha guurtida Garyaqaan Cabdinaasri Aadan Beegsi, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi " Waxaanu isla eegnay oo ay noo soo gubiyeen labada dhinacba wasiirkuna nagu dardaaray inaanu xeer nidaamiyaha aanu eegno qodobka 4-aad,5-aad, 23-aad,17-aad,3-aad,10-aad,11-aad,16-aad iyo 24-aad waa qodobada xeernidaamiyaha gudida iyo farsamo yaqaanadu markay isla eegeen labadaas, eegnayna buugii xeerka waxbarashada iyo kii xeernidaamiyaha ahaa waxa nooga soo baxday inay is khilaafsan yihiin xeer nidaamiyuhu uu khilaafsan yahay xeerkii baarlamaanka, xeerkaas wasiirku soo saarayna uu khilaafsan yahay xeerkii waxbarahsada qaranka, waxaanu soo jeedinay oo golaha u soo bandhiggaynaa waxii aanu soo aragnay.




  1. In xeernidaamiyaha wasiirku soo saaray khilaafsan yahay xeerka waxbarashada qaranka xeer 77 /2018 kana hor imanaayo ujeedada ku xusan qodobka 15 dastuurka JSL, xeer nidaamiyuhu dastuurka iyo xeerka waxbarashadaba waa uu ka hor imanayaa,sida ku cad qodobka 137 ee xeerka waxbarashada qaranka, waxa uu leeyahay waxa la laalay dhamaan wareegtooyinka xeerrka dhaqangalka ah, wargalinta iyo amarada ee ka soo horjeeda xeerka waxbarashada qaranka, wasiirkuna waa ka uu yidhi waan ku shaqaynayaa hadduu ka soo horjeedo xeernidaamiyaha waanu ka soo horjeedaa.
  2. In ruqsada diiwaangalinta sanadlaha ah ee xeernidaamiyaha wasiirku uu soo saaray aanay waafaqsanayan xeerka waxbarashada qaranka xeer 77/2018 kuna qeexnayn eray bixinta ku xusan qodobka labaad,
  3. in dhamaan deeqaha waxbarasho ee dalka yimaada in wasaaradu ay uga masuul tahay si ay u ogaato dhalinayrada dibada wax ku soo baranayaa kuliyadaha ay soo bartaan, sida ku xusan qodobka sideedaad ee dastuurka iyo qdobka 15-aad ee dastuurka iyo xeerka waxbarashada qaranka xeer 77/2018 qodbkiisa 122-aad oo u dhigan dawladu waa inay u qaybisaa deeqaha waxbarasho ee ay bixiyaan haayado caalami ah,ururo bulsho ama shirkado iyo cid kaleba si cadaalad ah oo hufan ardayda Somaliland oo dhan ay u furan tahay.
  4. –in siyaasadii waxbarashada qaranka Somaliland ee wasaaradu ku shaqayn lahayd ay maqantahay ilaa haddana aan la hor keenin golaha baarlamaanka taas la’aanteeduna ay qayb ka tahay khilaafkan soo noq noqday.”
Loading...
Loading...