Amar Ka Soo Baxay Dawlada Federaalka Ah Oo Madaxweynaha Puntland Ka Baajiyey Inuu Maanta Kismaayo Ka Dego.

0
Wednesday October 09, 2019 - 19:23:19 in News by G. Good
  • Visits: 3332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amar Ka Soo Baxay Dawlada Federaalka Ah Oo Madaxweynaha Puntland Ka Baajiyey Inuu Maanta Kismaayo Ka Dego.

    Amar Ka Soo Baxay Dawlada Federaalka Ah Oo Madaxweynaha Puntland Ka Baajiyey Inuu Maanta Kismaayo Ka Dego.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amar Ka Soo Baxay Dawlada Federaalka Ah Oo Madaxweynaha Puntland Ka Baajiyey Inuu Maanta Kismaayo Ka Dego.


Garoowe(HWN):-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa ka baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.


Madaxweyne Deni ayaa dib uga dhacay safarkaas ka dib markii diyaarad ka qaadi lahayd magaalada Boosaaso ay ku wargelisay inay sii marayso magaalada Muqdisho ee xarunta dawlada federaalka ah.

Related image
Lis Dairy


Madaxweyne Deni ayaa go’aan ku gaadhay inaanu raacin diyaarad la sii marta magaalada Muqdisho isaga oo damacsan inuu toos uga dago xarunta Jubbaland ee Kismaayo.


Warar hada ka soo baxaya maamulka Puntland ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu maalinta bari ah raaci doono diyaaradii masuuliyiinta kale ka soo qaaday magaalada Nairobi taas oo haatan ku sugan garoonka diyaaradaha Garoowe oo ay caawa ku dhaxi doonto.


Dhinaca kale waxa natiijo la,aan ku dhamaaday kulan dhexmaray wasiiro ka tirsan dawlada federaalka ah iyo madaxweynaha Puntland kuwaas oo ka codsaday inuu ka baaqdo caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland isla markaana uu wada shaqayn toos ah la yeesho dawlada dhexe, codsiyadaas oo uu ku gacan saydhay hogaamiyaha maamulka Puntland.

Loading...
Loading...