Madaxweyne Farmaajo Oo Hanjabaad Ku Diray Maamul Goboleedyada Iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka Ah

0
Wednesday October 09, 2019 - 19:16:28 in News by G. Good
  • Visits: 1417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Hanjabaad Ku Diray Maamul Goboleedyada Iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka Ah

    Madaxweyne Farmaajo Oo Hanjabaad U Diray Maamul Goboleedyada Iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Hanjabaad U Diray Maamul Goboleedyada Iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka Ah


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa sheegay in nidaamka federaalku aanu madax banaani siinayn maamul goboleedyada xubnaha ka ah federaalka.


Lis Dairy

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey munaasibad lagu furayey kalfadhiga 6aad ee golaha shacabka soomaaliya ayaa sidoo kale eedaymo u jeediyey siyaasiyiinta mucaaridka ah isaga tilmaamay inaanu qorshahoodu hirgeli Karin.

Image result for madaxweyne farmaajo

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlaya siyaasiyiinta mucaaridka ah ayaa waxa uu yidhi "Haddii ay jiraan siyaasiyiinta doonaya inay dalka ku hogaamiyaan nidaam qasab ah dalkeenu waa ka soo gudbay xilligii jahwareerka iyo in dadka lagu owrkacsado, marnaba ma ogolaan doono in dalka dib u noqdo, wax Qaranimada ka yar ma aqbaleyno”.


Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in nidaamka federaalka ahi aanu madax banaani u balan qaadayn maamul goboleedyada waxaanu mar kale yidhi "Federaalka waa nidaam umadda Soomaaliyeed ay dooratay waa hab maamulka dowladeena, umadda soomaaliyeed illaa iyada ka go’aansato inay wax ka bedesho dowlad ama koox gaar wax ka bedeli karta aysan jirin, waxaa nasiib daro in dad gaar ah si qaldan u fahmeen nidaamka federaalka wuxuu si cad u qeexayaa awoodaha dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, dowlad goboleedyada ma siineyso madax banaani gaar ah, waxaa idin xusuusinayaa ilaalinta Qaranimada Madax banaanidiisa ay saaran tahay dowladda Federaalka”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.


Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dawladu ay diyaar u tahay inay qanciso cid kasta oo wax ka tabanaysa "Waxaan naga go'an inaan dhageysano cid kasta oo wax tabaneysa, waxaan naga go'an inaan garowshiyo siino cid kasta garowshiyo leh, waxaan naga go'an inaan raali galino cid kasta oo raali galin mudan waxaan naga go'an inaan ka mira dhalino dib u-heshiisiin waarta oo ka hirgasha dhammaan gayiga Soomaaliyeed laakiin marna ma ogolaan doono inaan dib u laabano marna ma ogolaan doono inaan aqbalno wax qaranimada ka yar,marna ma aqbali doono cid kasta oo is hortaagta dib u-yegleelida Qaranimada Soomaaliyeed"ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.


Dhawaaqa madaxweynaha soomaaliya ayaa nidaamka federaalka ayaa ku soo beegmaya wakhti uu khilaaf adag u dhaxeeyo dawlada dhexe iyo maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Loading...
Loading...