' Kaftanka Maanta , Kalaamkii Jaamac Oday ''.
Jaamac oday wuxuu ahaa nin kaftan yaqaana oo murti miidhana , dhinaca kalena gudiyada hoose ee Kulmiye ayuu ka mid ahaa ee dadaalka wayn ku jirtay .
Dabeeto maalmahii ololuhu bilaabmay ayaa goor subax horre ah anagoo meel taagan uu naggu soo leexday anagoo rag badana , waxaanu naggu soo tuuray dhawr kalmadood oo kaftana , kaftankii maalintaas ee jaamac oday waxaa ka mid ahaa '' Doorashadaa maanta hadii Siilaanyo dhaco , Somaliland iyo Isaaqba waanu ka baxaynaa , dibna u sheegayn mayno laakiin waxaanu isku haynaa ta aanu ka hor baxayno , imika inamadda garaadsaday intii Kulmiye guulaystay ee lasoo boodaya marna waa Rashiid marna Rashaad waxaan xasuusinayaa halkii barigaa marayseen ragbaa kumanaan mayl ka shisheeya .
W/Q: Ahmed Nuur Guruje
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!