Xadiga Lacag Ka Maqan Qasnada Dawlada Soomaaliya Oo La Shaaciyey Iyo Halka Lagu Bixiyey Oo Lays Waydiinayo

0
Wednesday October 09, 2019 - 17:33:50 in News by
  • Visits: 2022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xadiga Lacag Ka Maqan Qasnada Dawlada Soomaaliya Oo La Shaaciyey Iyo Halka Lagu Bixiyey Oo Lays Waydiinayo

    Xadiga Lacag Ka Maqan Qasnada Dawlada Soomaaliya Oo La Shaaciyey Iyo Halka Lagu Bixiyey Oo Lays Waydiinayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xadiga Lacag Ka Maqan Qasnada Dawlada Soomaaliya Oo La Shaaciyey Iyo Halka Lagu Bixiyey Oo Lays Waydiinayo

 


Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya ayaa soo saaray Warbixin sanadeedka ee baarista Hey’adaha maaliyadda dowladda, waxaa warbixinta ku xusan malaayiin dollar oo aan ilaa iyo hadda la ogeyn sida loo isticmaalay.



Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Dowladda ayaa warbixin qoraal ah oo uu baahiyay ku faah faahiyay baarista uu ku sameeyay Hay’adaha Dowladda qaar dakhli uruuriyeen iyo deeqaha caalamiga ah, warbixibtan ayaa daaha ka rogtay musuq-maasuqa hey’adaha Dowladda, xafiiska Hanti-dhowrka Dowladda ayaa ku sheegay warbixintiisa in Wasaaradda Gaadiidka, Hey’adda dambi baarista (CID) iyo Jaamacadda Umadda dakhliga ay qabteen ay dib u isticmaaleen isla markaana aan la helin hab baaristu kusii socon karto.


"Muunada baarista (Audit Sample) aan qaatay waxaan ku ogaaday in Hey’adaha Dowladda qaar ka mid ah ay qabteen wadarta dakhli gaaraya US $ 1,350,400 oo ay isticmaaleen, taas oo baal-marsan Xeerka Xisaabaadka Dowladda 317 qodobkiisa 34aad oo soo baxay sannadkii 1961 (waxna laga bedelay 1972).


Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayayna u isticmaashay; Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen US $577,014 dib ayayna u isticmaaleen. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 dib ayayna u isticmaashay. Jaamacada Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay.


Warbixinta ayaa deeqaha Caalamiga ah oo ay hesho dowladda Federaalka ah isla markaana ay ugu deeqeen Midowga Yurub, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo UNOPS ay wadarta Deeq bixintooda aheyd $38,259,559 doolar, warbixintu waxaa ay sheegtay in deeqdaas caalamiga ah ay qasnadda dhexe ee Dowladda Federaalka gaartay $19,872,827 doolar.


Warbixinta xafiiska Hanti-dhowrka waxaa ay sheegtay in lacagta deeq bixiyaashu ay ka maqan tahay $18,386,732 doolar oo aan laheyn meel loo raaco.




Loading...
Loading...