Kenya Oo Ka Jawaabtaya Dacwad Soomaaliya Ka Gaysay Hay'adda Duulimaadyada Ee ICOA

0
Wednesday October 09, 2019 - 17:29:26 in News by
  • Visits: 2108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Ka Jawaabtaya Dacwad Soomaaliya Ka Gaysay Hay'adda Duulimaadyada Ee ICOA

    Kenya Oo Ka Jawaabtaya Dacwad Soomaaliya Ka Gaysay Hay'adda Duulimaadyada Ee ICOA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya Oo Ka Jawaabtaya Dacwad Soomaaliya Ka Gaysay Hay'adda Duulimaadyada Ee ICOA


Nairobi(HWN):-Dawlada Kenya ayaa ka jawaabtay dacwad ay soomaaliya ka gaysay hay’adda duulimaadyada qaramada midoobay ee ICAO.


Dawlada soomaaliya ayaa Kenya ku eedaysay inay jabisay xayiraad duulimaadyada laga saaray magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubbaland ka dib markii diyaarad ka kacday magaalada Nairobi ay ka degtay Kismaayo, talaabadaas oo ay dawlada soomaaliya ku dacwaysay Kenya.

Image result for kenya iyo soomaaliya


Masuul ka tirsan dawlada Kenya ayaa wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi u sheegay inaanay waxba ka jirin eedaynta soomaaliya isaga oo xusay in eedaynta soomaaliya la xidhiidho shaqadeedii oo ay dayacday.


Waxa uu sheegay masuulkan in dowlada Soomaaliya in ay xaq u leedahay in hawada ku qabato diyaaradii ku soo xad gudubta hawadeeda, waxa uuna tilmaamay in aysan sax aheyn in taa badalkeeda Kenya ku eedeyso xadgudubkan.


Masuulkan ayaa sidoo kale sheegay in dowladooda u hogaansato xeerarka caalamiga ah ee duulimaadka, waxa uuna beeniyay in ay dowladooda shaqo ku leedahay diyaarada ku xad gudubtay duulimaadka hawada Soomaaliya.


Warkan kasoo yeeray masuulkan katirsan dowada Kenya ee magaciisa la qariyay ayaa kusoo aadaya xili dowlada Soomaaliya ay ku eedeesay Kenya xad gudubka lagu sameeyay hawada Soomaaliya.


Kenya ayaa gacan saar la leh Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo dowlada federaalka dib u doorashadiisa ku tilmaantay mid sharci daro ah, waxa ayna Kenya ogolaatay in diyaarad la kireestay duulimaad sharci daro ah ku tagto Kismaayo.

Loading...
Loading...