Muwaadin ma ogtahay Inay Jabuuti Tahay...W/Q Suleyman Yusuf Dhakhtar
In Jamhuuriyadda Jabuuti ay ka danbeysey dagaalkii sokeeye ee Somaliland ka dhacay 1994kii. Qasdiga ugu weyn ee ay dagaaalkaas ka lahaydna wuxuu ahaa inay kala kiciso shirkii Somaliland ay doooneysey inay kooxihii Soomaaliya isku hayey ay Hargeysa ugu qabato oo ku heshiisiiso dawladna ugu dhisto. Shirkaas waxaa loogu talo galay inuu Hargeysa ka bilowdo 30.November. 1994kii, nasiib daraso dagaalkii Jabuuti dabada ka riixaysey ayaa Hargeysa ka bilowday 15. November. 1994kii. Wax yar ka dibna ciidamada Jabuuti oo lagu sheegay jamhada Ciiisaha ayaa mudo sanad ah dawlada Somaliland kula dagaalamaayey deegaamada xeebaha ku teedsan ee gobolka Awdal, ilaa aakhirkii xuduuda la dhaafiyay sanadkii 1996kii.
Muwaadin ma ogtahay in shirkii labaad ee Somaliland ay doooneysey inay kooxihii Soomaaliya isku hayey ay ku heshiisiiso oo ka dhici lahaa magaalada Shiikh sannadkii 1999kii ay Jabuuti ka hortimi oo ay xarunta qaramada midoobay kaga dhawaaqday inay Soomaaliya shir u qabaneyso oo ay magaalada CARTA ugu qabanayso, shirkaas oo ahaa kii Cabdiqaasim Salaad Xasan lagu doortay.
Muwaadin inta ayna macawis huudheedh ahi ku seejin xilkaaaga waddaninimo ogow marka hore cadaawada Jamhuuriyada Jabuuti u qabto waddankaaga.
Eng Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay waa run, runtuna raga way ka nixisaa lakiin ma disho, ninka caqliga badanina wuu qaataa.
Muwaadin kala dooro macawiso huudheedh ah iyo qaranimadda Somaliland, waxa maanta dagaalamaya waa labadaase.
Inta Documents ee sir ah oo ku saabsan cadaawada Jabuuti u qabto Somaliland, haddii aan idiin soo bandhigo walaahay timaha idin cadaanaya.
Illaahow nimaan wax ogeyn ha cadaabin!
Suleyman Yusuf Dhakhtar
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!