Rwanda Oo Xadhigga Ka Jartay Shirkaddii Ugu Horreysay Ee Sameysa Telefoonada Gacanta Ee Smartphone-Ka

0
Tuesday October 08, 2019 - 18:42:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rwanda Oo Xadhigga Ka Jartay Shirkaddii Ugu Horreysay Ee Sameysa Telefoonada Gacanta Ee Smartphone-Ka

    Rwanda ayaa xarigga ka jartay shirkaddii ugu horreeysay ee sameysa telefoonada gacanta ee smartphone-ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rwanda ayaa xarigga ka jartay shirkaddii ugu horreeysay ee sameysa telefoonada gacanta ee smartphone-ka

loo yaqaan ee ka howl gasha Afrika. Xaflada lagu daah furayay shirkadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweyne Paul Kagame.


Lis Dairy

Shirkadda tegnoologiyadda ee Mara Group ayaa waxay soo saartay telefanno loogu magac daray Mara X iyo Mara Z, kuwaasi oo istcimaali doona habka softi-weerka Android.


Qiimaha telefoonadaan ayaa kala ah 175,750 Rwandan francs ($190; £155) iyo 120,250 Rwandan francs ($130;£106).


Waxaa jira shirkada kale oo sameeya teleefoonada oo ku yaalla dalalka Masar, Itoobiya iyo Koonfur Afrika, balse qalabka ayay dibadaha ka soo dhoofiyaan.


Agaasimaha guud ee shirkadda Ashish Thakkar ayaa sheegay in teleefoonkasta laga sameeyay 1,000 xabo.


Waxa u sheegay in kharashka warshadda ku baxay uu gaarayo ilaa iyo $ 24 ayna awood u leedahay in maalinkiiba ay soo saarto 1,200 oo telefoon.


Madaxweyne Paul Kagame ayaa sheegay inuu rajeynayo in telefoonadan ay sare u qaadi doonaan isticmaalka telefoonada gacanta ee Smartphone-ka ee Rwanda boqolkiiba 15.

 

BBC

 

Loading...
Loading...