Dawladii Dunidu Aqoonsanayd, Dadaalkii Aduunyade, Iska Diide Qarandoonistii.

0
Tuesday October 08, 2019 - 18:32:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladii Dunidu Aqoonsanayd, Dadaalkii Aduunyade, Iska Diide Qarandoonistii.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).


SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

 

1-DAWLADII DUNIDU AQOONSANAYD,DADAALKII ADUUNYADE,

DIRQIGA LOOGU SOO DHISIYO,ISKA DIIDE WADA DOONISTII,

DAWLADII GOBALADU WAY DIDEEN,BUDLAN DIBADAWGA BAXE,

KISMAAYO DAWLAD GAARAHOO,DIYAARAD LEH BAY NOQDEEN.

 

2-GALMUDUG WAY DABASOCDAN,DARIIQAASAY HAYAAN,

    DUQAYDII DAWLADII HORIYO,BANAADIR DADBA U KACAY,

    MEESHII WAA KALA DAREER,DALKOODA KUWII NACAYEE,

    DOOLAALADA XAMAR KU TEGEY,DIBAA LOO SOO WADAA.

 

3-DOQONI QIIQ KAMA KACDEE,DAAMANKAY MEERMEERISAA,

    DABAA HURAYOOY ARKAAN,WELINA AY DUL YUURURAAN,

    DIGNIIN BAY U BAAHANYIIN,INTAAN LAGU DILIN HALKAAS,

    DIYAARAD MA SOO DIRNAA,CARUURTIYO DUMARKA GURA.

 

4-DABAYSHA DHACAYSA IYO,DAREEMA WAXA SOCONAYOO,

    DAAYINKAA RISIQIINA QORAY,DOOR HORE KUWIINA LUMAY,

    DALKAY WAX KU LEEYAHIINE,CARUURUHUN SOO DIRTOO,

    DULMIGAA KU NEGAADA OO,IDINKU CEEBAHA DUGSADA.

                     ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


Lis Dairy
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...