Puntland Oo Tacsi Udirtay Madaxwaynaha Jabuuti Geerida KU Timid Walaalkii Sacad Cumar

0
Tuesday October 08, 2019 - 17:58:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1063
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Tacsi Udirtay Madaxwaynaha Jabuuti Geerida KU Timid Walaalkii Sacad Cumar

    Boosaaso, Oktoobar, 08, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boosaaso, Oktoobar, 08, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

oo ku hadlaya magaca Dowladda Puntland iyo kan shacabka Puntland-ba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Sacad Cumar Geelle.



Madaxweyne Deni waxaa uu tiiraanyada iyo xanuunka geeridaasi la wadaagayaa, ugana tacsiyaynayaa shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti, eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Sacad Cumar Geelle. Waxaana uu si gaar ah uga tacsiyaynayaa geeridaasi Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.


Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u fududeeyo, kuna abaal-mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan eheladii, qoysaskii iyo asxaabtii uu ka baxay.

 

=DHAMMAAD=

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...