Beenta Iyo Somalidda Is Waraysi Dhex Maray ( Abdi-Shotaly).

0
Monday October 07, 2019 - 20:17:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beenta Iyo Somalidda Is Waraysi Dhex Maray ( Abdi-Shotaly).

    Bahasha la yidhaaho " Beenta" baa markii laga fadhiyi waayey, ee ay cariggii gubtay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bahasha la yidhaaho " Beenta" baa markii laga fadhiyi waayey, ee ay cariggii gubtay,

 waashay ee meel kaste ay daakhilka u gashay, dadkii labadda dhafoor iyo dhabanadda qabsadeen ee laga yaabay, jiho wareer iyo amakaag ku riday ummaddii, baa gudi loo saaray ka soo war bixisa, laguna yidhi waa in aad soo heshaan hoy-geedda ( Waa guriga ay ku nooshahaye), iyo sidda ay wax u samayso beentu, soona waraysa-taan, Wax la doono-ba oo geed sare iyo mid hoose, buur, bad iyo banaan intaba laga raadiya-ba, maalmo ka bacdi baa iyaddii oo si wacan u xaragoo-naysa, oo aan cid-na wax iskaga tirinayn, sawirkii bani'aadamka leh ( Xagga sare Nin ka tahay, qaarka hoose-na Qof dumar ah), oo casar-temeshle iskaga jirta, baa laga soo hor baxay, ilayn kun weji bay leedahaye, markii lab iyo dhedig loo kala garan waayey, suuradda dad-kana ay yeelatay, baa la joojiyey, si loo waydiiyo waxay tahay. Waxa la yidhi bal is taag ku garan weynaye, maxaad ahayd oo bal isu kaayo sheeg?, Haween iyo rag mid aad tahay kuu kala saari weynaye, waxay tidhi mid-na ma aan ihi, ee waxa la i yidhaahaa magacayga "Mrs Been". dadkii intay qosleen bay ku yidhaaheen, adiga laf-taadda baanu raadinaynay, ee al-xamduli-laahi weeye haddii aad naga soo hor baxday, oo aad isu kaayo sheegtay, dabeed waxa halka ka bilaabmay is-waraysiggii, ee ku soo dhawaadda waa kane:-

 

          Is Waraysiggii Sidan Buu u dhacay:-

     Mrs Been hadaan ahay:- Maxaad ii doonayseen Somaliyeey ee aad iga rabtaan?

    Somali:- Waxanu kaa rabnaa in aan wax ku weydiino, oo aanu ku barano, dhan aanu kuu raacno baanu la'nahay? oo meelin-ba weji cusub baanu kugu aragnaaye.

    Mrs Been:- Soo daaya waxad ii joojiseen, ee aad saaka shaqadayddii iiga habsaamiseen, waan dedega-yaaye.

    Somali:- Ugu horayn bal noo sheeg waxaad qabato?

    Mrs Been:- Shaqadda aan qabto ee ugu weyni, waxa weeye, in aan mid aan wax-ba ogayn dhegaha ka qabsado, ku maaweeliyo wax aan jirin, oo huu-haa ah.

    Somali:- Maxaad faa'iido leedahay?

    Mrs Been:- Faa'iida-daan leeyahay waxay tahay, aniga oo runta qariya, oo wax aan jirin sheega, oo ta aniga dantu iigu jirto ka dhaadhiciya dad-weynaha, kolba waxan rabo iyo sidaan u jecelahay in ay wax u dhacaan.

    Somali:- Shaqaale ma leedahay?

    Mrs Been:- Subxaana-laahi maxaa ii waayey?, Aduunka cid iga shaqaale badani maba jirto, ( aniga laf-taydda haddii aan ahay Mrs been) baan aqoon tiradda shaqaalaha ii shaqeeya iyo kuwa u sii adeega iyaka ee ay dirtaan.

     Somali:- Wax ma nooga sheegi kartaa, nooca ay yihiin cidda kuu shaqaysaa iyo kuway sii adeegsa-daanba?

    Mrs Been:-  Haa waxay yihiin shaqaala-haygu,  Jaahilka askaria ah ee "Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximan, Af-dulaaq wasaaradda doqon ma waydo, Gafane ( waa gaafaadhiye), Solteko, Af-miishaarka, Xil-doon aan wax kale rabin, oo aan ku maaweel mansuuliyad baan kuu dhiibayaa, ee sacabka ii garaac, inta u sii adeegtaana  waxa weeye, tuuga,  maan-gaabka, inta liidata, wax ma garatadda, maatadda baahan, duuni-raaca, dufan raadiska kuwa ah, calooshood u shaqaysta-yaasha. bilaa mabda'a, iyo qaar waxay doonayaan ama diidayaan aan kala garan karin.

     Somali:- Waa maxay Cagaha aad ku taagan tahay ee aad ku socotaa?

    Mrs Been:- Maxaad Su'aashaas iga weydiinay-saan? Waa iska cadaane, oo waan isla garanay-naaye waxay tahaye.

    Somali:- ma garanayno ee farta noo saar.

    Mrs Been:- Waa runtiin, oo hadaad taas garanaysaan, imaba aydin tidhaaheen, cagaha aad ku taagan tahay maxay yihiin? Waana sababta aan qariyo, ee anoo hoosta kuwata, hadana idiin dedo, waayo hadaan idiin sheego, waan kashif-mayaa.

    Somali:- Waar yaa Alle Yaqaana? KKKKKK Bilaa-caleek beeneey noo sheeg arintaas sirta kuu ah, ee wax walba kuu suuro-geliyey?

    Mrs Been:- Maanta waad ii soo biyeysa-teene, oo in aad lugtii keli ahayd ee aan ku socday, in aad i goysaan baad ku tallo gasheene, maad iga daysaan, arin-kaasi wuu igu adga yahaye?

    Somali:- Beeneey waxba kaa sheegi mayno'e, oo soo hadal qaadimayno qodobkan, ee intaas uun hoos noogu sheega.

    Mrs Been:- Haddii aad ka tegi weydeen, waxa cagaha dhulka iigu hayaa ee aan ku socdaa waa " Qabyaalad".

    Somali:- Oo sidee baad qabyaalad ugu meel gaadhaa? oo aad ugu meel martaa?

    Mrs Been:- Waxay iigu meel martaa, aniga oo ku beer-laxaw-sadda dadka Tolaayeey, reer hebel baa maamul-keennii ka soo hor jeedda, kursiga inaka baa haysaana, ee yaanu ina dhaafine ku dagaalama, oo si walba iigu sacab tuma, i difaaca, oo sax iyo khalad intaba igu daba gala.

    Somali:- Taasi sidee bay Suuro-gal u tahay?

    Mrs Been:- Maxaa suuro-galba keenay, meesha dal ma jiro, ee aniga oo Mrs been ah baa lagu kala ceeshaaye, la'aantay wax ma kala socon karaan.

    Somali:- Markaas maxay faa'iidayaan kuwa aad tolaayeey ku maashaa?

    Mrs Been:- Waxa faa'iido ugu jirtaa, oo aan ku sawa-saweeyaa,

    ( a) Kursiga aniga baa idiinku fadhiya

    (b) Ciidanka idinkaa haysta,

    (c) Booliiska madaxdoodu 90% baad leedihiin

    (d) Maxakamadda Inaka baa ka madax ah, una badan garsoore-yaasha.

    (e) Maayaradda Hargeysa, Berbera, Burco, boorame waxa haysta 100% waa inaka iyo xulafa-deena jeegaanta.

    (f) Wasiiradda 55% waa inaka, 35 kale-na waa xulafadda jeegaanta.

    (g) Meelaha aynaan haysana, ku /xigeenadu waa inaga kuli-good.

    (h) Abkay maareeye, agaasime, wasiir ku/xigeen iyana cid kale maaha.

    (i) Ab qandaraas oo dhan 100%, cid kale ma qaadato aan inaga ahayni.

    (j) Cid lagu qaaday Xadtooyo xoole dad weyne oo inaka ahi ma jirto, waad ogaydeen Cabdiraxmaan ( Waa hablo caaye), markii la xisaabiyey, ee la yidhi ha la xidho, waan diiday aniga oo ah " Raggii ma adigaa ka hadhay"

    ( k) Jeelka cidi idin-kama jiraan oo anig aa u diiday  oo idhi la xidhi maayo, aan amarka ku bixiyey, wax kaste oo aad samaysaan-ba ma cid baa idin tidhaaha waa khalad.

    sidaas awgeed waa in aad ilaashataan maamulkan aan idiin hayo, hadhaw waxaas heli-maysaane, arima-haas baan meesha ku haystaa, hadaan ahay gabadha la yidhaaho Mrs Been.

    Somali:- Beeneey cadaw ma leedahay asal-kaba aan ku weydiino'e?

    Mrs Been:- Haa Cadawga ugu xun aduunka baan leeyahay.

    Somali:- Waa kee cadawga aad leedahay ma naqaane?

    Mrs Been;- Illaahay aduunka ha ka gaxeeyee, oo ha la waayee, waxan meel aan ka galo la'ahay bahasha la yidhaaho " Runta". taas oo halkii aan saacad is taaga-ba igaga daba imanaysa.

    Somali:- Goorma bay beeneey kuugu darayd intii aad jirtay?

    Mrs Been:- Horta weligay-ba bahashaas doqonta ah ee la yidhaaho "run" way iska kay daba socotay, laakiin ayaantii ay iigu darayd waa maanta,

    Somali:- Maanta maxay kaga duwan tahay wakhti-yaddii hore ee ku soo maray? inta aad ka xasuusan tahay.

    Mrs Been:- Maanta godkii baa biyo ii galeen, bad run ah baa ay ku soo faruureen, qaar aan ka hadhsan la'ahay,

    Somali:- Maxaa dhacay ee aad la hadhsan wayday hadda?

    Mrs Been;- Wixii aan dhoodhoobi jirey, ee aan odhan jirey Waddani Baa Somali weyn ah, baa igu kashifmay imika, waxana igu cadaaday oo askartii qarin kari wayday, soona ban-dhigeen qudhunkii aan sidda sakaaradda xaar la araayo aasaasta, i hor timi in aanu la haysano anaku Somali weyn ( haddii aanu kulmiye nahay) somali, oo meel aanu ka marno la'nahay, kuwii aanu Xaramka ku balanay, Dekeddii iyo garoonkii ay noo soo saxeexeen, adhiggii xajka oo intay xidheen, hadana noo soo fureen, lagactii oo la yidhi sooma daabcan kartaan iyo weftigan aanu hadda u dirayno Kismaanyo, oo nagu cadaysay in aanu nahay Maamul- gobleed ka tirsan Fadaraalka. Waxaas iyo qaar kaloo badan baanu dafiri kari la'nahay. Xaajooyin-kaas oo umaddii oo dhan naga soo hor jeediyey, Haday yihiin Harti, H, jeclo inta meesha dhuuqaysa mooyee, intoodda kale 80%. Ciise Muuse, Gabooye, Mataanaha. Samaroon, Ciise iyo Ayuub.

    Somali:- Maxaa Talo ah hadeer ee aad ku bad-baadaysaa Beeneey?

    Mrs Been:- Ma jirto wax la igu bad-baadin karaa, oo wax aan kolba meel ka fad kudiyo, haday ciin daaqday, wixii aan soo derderi jirey alamtara-na soo dhaafe. Iyadda oo la i qaawiyey, bay askartii debed ii soo tuureen, way i dileen labadda askariye., wax dambe oo aan sheegaana may hadhin, ee way ii dhamaatay.

    Somali:- Haduu xaal-kaagu halkaa maraayo, hadda wax ka duwan siddii hore ma sheegi kartaa?, Oo cadaw-gaaggii ahaa " Runta" ma la heshiin kartaa? haddii wixii hore kuu shaqayn waayeen haatan?

    Mrs Been:- Balaalyana u barasho leh, in kaste oio aan ku saaqido kolba wax, hadana aniga oo wax kale abaabulaaya ayuun baan arkayaa, weligay run ma sheegin, oo iyadda baan iska eegi jirey, cilmi kale iyo farsamo aan been ahayn ma garanaayo, ee yaa ii sheegaaya oo aanu ku ceeshno, isi soo gabtay amuurihii aan isku cayn iyo bayd goyn jirey?

    Somali:- Halkaa ciirsi la'dda ah ku abaad, cid kuu naxaysaa ma jirtee, dhaaxaad boqnaha goysay, wax-yaabo sax ah, oo aad dafireysay hoos-tana ka wado'e. ku ogaanay, oo waanu kaa helay intii aanu kaa doonaynaye, halkaa naftu ha kaaga baxdo. Denbiilad weyn baad tahay, oo adaa dadka isku dilay, dalkii kharibay, oo xaraashay, ka tegay cadaalad iyo sinaan, wax wadda lahaansho, oo wax aan kuu soconayn door bidaye.

    *N.B Ma Ogtahay Asakri Jaahilaan Amar ka qaataaye.

    Qore:- Abdi-shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...