'' C/kariin Axmed Mooge , Barasho wanaagsan ''.

0
Monday October 07, 2019 - 18:30:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2964
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' C/kariin Axmed Mooge , Barasho wanaagsan ''.

    Alla ha u naxariistee , Axmed Mooge Liibaan , waxay saaxiibo aad isugu dhaw

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alla ha u naxariistee , Axmed Mooge Liibaan , waxay saaxiibo aad isugu dhaw

ahaayeen Abtigay Xuseen Axmed Guuleed oo aan gurigiisa ku bartay sanaddii 1993 kii .

 

Maalmaha Khamiisaha iyo Jimcaha marka aan aqalka abtiyo taggo oo ku yaalay Xaafadda Beeraha ee New Hargaysa ayaan arki jirey iyagoo abtiyo wada qayilaya oo halkaa wada fadhiya , ka dibna sidaas baan u aqaanay .

 

Maalin maalmaha ka mida oo khamiisa ayaa sidii noo caadada ahayd aniga iyo dhalintii aanu isku gedaha ahayn waxaanu tagnay Air port Hargysa , waa 1994 intii aan Eerboodhku xidhmine .

 

Waaggaa Eerboodhka dadka lagama celin jirine anagoo joogna barxada horre ee Madaarka oo iska xaraabaysanayna ayaan si kedisa ishu ugu dhuftay Abtiyo oo isoo eegaya , ka dibna waan u tagay , waxaanu igu yidhi yaad la socotay , dabeeto intaan baqday baan ku idhi , Abti adeero , markaasuu igu yidhi '' Adeero Ahmed Mooge '' ayaan sii dhawaynayaa oo Nairobi qabanaya dab, dabeeto abtiyaa ku yidhi walaashay baa dhashay ,markaasuu intuu i gacan qaaday igu yidhi adeer nabad gelyo .

 

Alla ha u naxaristee Axmed Moogge maalintaasaa Hargaysa ugu danbaysay , waxaana qaaday maalintaas Diyaaradii jaadka Miirowga berigaa Hargaysa keeni jirtay ee Kabtan Faarax . nasiib wanaag dadkii ugu danbeeyey ee Axmed Hargaysa ku arkay baan ahaa .

 

Axmed moogge markuu tegay Kenya , wuxuu berigii danbe ku noolaa magaaladda Siolow oo ah magaalada ay ku nool yihiin abtiyaashay rumaad iyo habar yarahay , Axmed iyagaa bud dhigay oo uu dhabtooda ku go'ay .

 

C/kariin Axmed Moogge , waxaan bartay 1997 , waxaanu ii noqday Macalin , raggii aanu waagaa uu macalinka noo wada ahaana waxaa ka mid ahaa , Cabdi seed , Maxamed Dauud , iyo Yuusuf maxamed xuseen iyo qaar kale oo badan .

 

Si kastaba ha ahaatee , marka kasta oo aan arko macalin C/kariim Axmed mooge , waan ooyaa , waxaanan ku xasuustaa adeerkay Axmed Mooge iyo Abtigay Xuseen oo ilaa maalmihii noloshiisa u danbaysay la saaxiib ahaa codkii Axmed oo aan ku arki jirey isagoo markuu fadhiyo dhagaysanaya .

 

Si kastaba ha ahaatee , cidii aan isu kaaya aqoon Cabdikariin barasho wanaagsan .

 

W/Q: Ahmed Nuur Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...