Jaamacada Edna Oo Furtay Kuliyada Luuqada English-ka Iyo Tababar Loo Furay Macalimiinta Dugsiyada Hoose Dhexe

0
Sunday October 06, 2019 - 22:02:49 in News by
  • Visits: 2411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacada Edna Oo Furtay Kuliyada Luuqada English-ka Iyo Tababar Loo Furay Macalimiinta Dugsiyada Hoose Dhexe

    Jaamacada Edna Oo Furtay Kuliyada Luuqada English-ka Iyo Tababar Loo Furay Macalimiinta Dugsiyada Hoose Dhexe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamacada Edna Oo Furtay Kuliyada Luuqada English-ka Iyo Tababar Loo Furay Macalimiinta Dugsiyada Hoose Dhexe

 

 


Hargeysa(HWN):-Maamulka jaamacada Edna Aadan ee magaalada Hargeysa ayaa tababar ku saabsan luuqadaha u furay qaar ka mid ah macalimiinta ka hawl gala dugsiyada hoose dhexe ee dawladu maamusho.





Sidoo kale jaamacada Edna Aadan ayaa si rasmi ah u shaacisay inay furtay kuliyada lagu baran doono luuqada English-ka oo jaamacadu ay haatan hirgelisay.


Marwo Edan Aadan Ismaaciil mulkiilaha jaamacadaasi oo si rasmi ah u furtay tababarka macalimiinta iyo kuliyada luuqada English-ka ee jaamacadaasi ayaa ka warantay faa,iidada ay doonayaan in macalimiintu ay ka helaan tababarkan.


Marwo Edna Aadan oo sharaxaysa tababarka ay siinayaan macalimiinta dugsiyada hoose dhexe ee Hargeysa ayaa waxay tidhi " Waxaan doonayaa inaga oo ka faa,iidaysanayna caruurteenu sida ay ila qabsadeen kana tilmaan qaadanayna oo inaguna tiigsanayna goboladii kalana gaadhsiinayna waxaad nasiib u heshiin in gobolka halkan jooga ee wasaaraduna ka ag dhawdahay ay helaan barashadii, ubadkeena wax wanaagsan ayeynu la rabnaa, tacliin wanaagsan , mustaqbal wanaagsan ayeynu la ragnaa oo dalkeena horumar wanaagsan ayeynu la rabnaa taasna waxaynu ku gaadhi doonaa ardayga aad wax u soo dhigto halka aad soo gaadhsiiso.”


Gudoomiyaha jaamacada Edna Aadan Proff Maxamed Mixile Boqore oo isaguna ka hadlay kulankan ayaa ka waramay ujeedada ay jaamacadu ka leedahay hirgelinta kuliyada luuqada English-ka "Anagu jaamacad Edna ahaan waxaanu doonaynaa inaanu kor u qaadno luuqada English-ka ee dalka oo dhan, ujeedada ay Dr. Edna ka leedahay fikirkaas ay noo keentayna waxa weeyaan in kor loo qaado waxbarashada English-ka iyada oo xaga hoose laga soo dhisayo.”




Gudoomiye ku xigeenka jaamacada Edna Mustafe Xasan Daahir ayaa dhankiisa faah faahiyey muhiimada ay leedahay kuliyada luuqada English-ka ee ay soo kordhisay jaamacada Edna waxaanu yidhi "Jaamacada Edna waxay markii ugu horaysay wada xidhiidheen qolada Geopholics mudo ayuu socday xidhiidhkaasi waana barnaamij ay ka faa,iidaysteen wadamo badan oo dunida ah, waxaynu ognahay in somaliland mushkiladaha haysta waxbarashadeena ee ugu weyn ay ka mid tahay luuqada English-ka hadii xal loo helana waxyaabo badan oo waxbarashadeena ah ayaa xal loo helayaa, barnaamijkana waa nooc cusub oo fudud oo caruurta yaryar loo barayo English-ka.”


Gudoomiye Mustafe ayaa sheegay in Dr. Edna Aadan ay bixisay dhaqaalaha ku baxaya kuliyadan cusub "Markii loo baahday dhaqaalaha lagu samaynayo waxa qaadatay Dr Edna Aadan oo tidhi wadankeena intaas inaga ayaa ku taageerayna.”


Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkaas 


Loading...
Loading...