Somaliland Miyay Dalkeeda Ka Saaraysaa Wakiilka Jabuuti?

0
Saturday October 05, 2019 - 08:29:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3071
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Miyay Dalkeeda Ka Saaraysaa Wakiilka Jabuuti?

    Hargeysa (HWN)-Xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in diblomaasiga ujooga Jabuuti Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN)-Xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in diblomaasiga ujooga Jabuuti Somaliland

uu wax dacwad ah uga soo gudbiyay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe.


 

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Prof.Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti ugu horeyna isagoo ka jawaabaya waxaa ka jira dacwadan waxa uu yidhi "Haba yaraate wax dacwad ah oo   ka dhan ah Faysal iyo Wakiilka Jabuuti ee Somaliland oo Xukuumad ahaan na soo gaadhay ma jiraan, labada dhinac iyo dhinaca kaleba midna kama hayno wax dacwad ah”.

 

Mar aanu wax ka weydiinay inay Xukuumad ahaan dalka ka saarayaan Wakiilka Jabuuti madaama loo soo jeediyey ayaa ku jawaabay "Faysal wuu hadlay wuxuu ku hadlayeyna waa la arkaayey, Wakiilku wax dambiya muu galin, sabab dalka aanu uga saarnaana ma jirto, kama saarayno, ee waxaa haboon in dacaayadaha la joojiyo, oo wixii khalad ah la joojiyo, umaddana yaan la khaldin, oo yaan wax kasta la buun-buunin”.

 

Mar aanu wax ka weydiinay cadaawada la sheegay inay   Jabuuti u qabto Somaliland waxa uu ku jawaabay wasiirka arimaha dibadu "Jabuuti waa dal aynu jaar nahay, waa dal aynu walaalo nahay, waa dal aynu isku diin nahay, waa dal aynu isku dhaqan iyo isku afba nahay, wax badan baa inaga dhexeeya, xidhiidh ganacsi, xidhiidh nabadgalyo iyo xidhiidh iskaashi baa inaga dhexeeya, xidhiidhkii wacnaa ee hore inooga dhexeeyayna xidhiidh ka sii wanagsan baa hadda inaga dhexeeya, markaas dalka Jabuuti maaha dal inoo cadaw ah”.

 

 


Loading...
Loading...