Badhasaabka Gobolka Maroodi jeex Oo Soo Qaban-qaabiyay Kulan Xal Loogu Raadinayo Goobaha Biyo Mareenadda Hargaysa

0
Thursday October 03, 2019 - 18:01:08 in News by
  • Visits: 1762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasaabka Gobolka Maroodi jeex Oo Soo Qaban-qaabiyay Kulan Xal Loogu Raadinayo Goobaha Biyo Mareenadda Hargaysa

    Badhasaabka Gobolka Maroodi jeex Oo Soo Qaban-qaabiyay Kulan Xal Loogu Raadinayo Goobaha Biyo Mareenadda Hargaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasaabka Gobolka Maroodi jeex Oo Soo Qaban-qaabiyay Kulan Xal Loogu Raadinayo Goobaha Biyo Mareenadda Hargaysa




Hargaysa(HWN)badhasaabka gobolka maroodi jeex Ayaa maanta magaaladda hargaysa 'ku qabtay kulan xog loogu raadinayo qaabka looga hawl-gali karo sidii goobaha biyo mareenadda xal loogu heli lahaa.



 


Kulankan oo ka dhacay xarunta badhasaabka ee gobolka maroodi jeex ayaa waxa ka soo qayb-galay masuuliyiin ka socday dawlada hoose oo uu hogaaminayo maayar ku xigeenka caasimadda hargaysa iyo qaar ka mid ah ganacsatadda somaliland.





Kulankan ayaa intii uu socday waxa lagu darsay qaabka ugu haboon ee biya mareeno badan loogu samayn lahaa magaaladda hargaysa,waxaana ay cadeyeen in qashinka biyaha lasoo raacinaya laga digtoonaado.


Dibu haynta lagu wado goobaha biya mareenadda ayaa waxa soo dhaweeyay ganacsatadda waawayn ee dalka oo intooda badani goobaha biyahu Maraan Meherado ku leh.

Dhinaca kale waxa iyagana dibu haynta loo daba fadhiisan doonaa Injineeradda wasaaradda hawlaha guud oo dibu casriyay ku samayn doona si aanay mar dambe wakhtiyadda xili roobaadka khasaare kale u gaysan.


Kulankan uu soo qaban-qaabiyay badhasaabka gobolka maroodi jeex ayaa waxa ku wehelinayay badhasaab ku xigeenka gobolka,maayar ku xigeenka waxaana ay dhamaantood isla af-garteen in caasimadda u baahan tahay in la qurxiyo.


Badhasaabka gobolka Maroodi jeex jaamac xaaji aadan Axmed ayaa tilmaamay in markasta ay muhiimadda 1aad saarayaan sidii loo heli lahaa caasimad qurux badan oo la tartami karta caasimaddaha caalamka.

Loading...
Loading...