Somaliland Baa Khaatumo Ictiraaftay Heshiisna La Gashay. Cali Afkalama Qaban Karo.

0
Tuesday October 01, 2019 - 09:53:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2004
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Baa Khaatumo Ictiraaftay Heshiisna La Gashay. Cali Afkalama Qaban Karo.

    Dawlabdda SOMALILAND baa ictiraaftay ururka khaatumo ee Cali khalif hogaamina

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlabdda SOMALILAND baa ictiraaftay ururka khaatumo ee Cali khalif hogaamina
yey heshiis la gashay oo Hargeysa khaatumo keentay.Cali khalif waa nin aqoonyahan ah, siyaasi rug caddaa ah, khibrad aad u guda weyn  u leh arima SOMALILAND iyo SOMALIA ba. 

SOMALIDU WAXAY TIDHAA TIMIR LAF BAA KU JIRTA. CALI KHALIF hadalkiisu ma baydhbaydhin laga soo bilaabo intii  Xukuumaddii SOMALILAND la heshiisay ka dib, nuxurkii heshiiskii lala galayna wuu garanayaa Cali khalif, xukuumaddii Siilaanyo ka xanuunsadayna waxay Khaatumo kula soo heshiisay wey garanaysay iyo xusbigeediiba, madaxweynaha SOMALILAND Muse Biixi iyo Saaxiibaddiina way garanayaan wixii khaatumo Lagula soo heshiiyey, xisbiga Wadani ee baaxada weyni wuu la socday wixii khaatumo lagula soo heshiiyey. Cali khaliif hadalkiisa wuxuu ku qotoma waxaan rabnaa SOMALILAND la wada leeyahay oon imika saaxadda ka muuqan sidii loo wadalahaana kasii fogaanaysa, arinkaasina hubaal wuxuu ka mid ahaa wixii Cali iyo khaatumo iyo Dhulbante dadkii metelayey lagula soo heshiiyey. 


Xukuumadaha Kulmiye heshiisyadoodu badi waa wax aan la isku halayn karin oo dabayl xagaa sidato. Waxaynu u soo joognay heshiiskii haamaha ee ay ku dagaalameen baarlamaanka dhexdiisa, kii  saldhiga ee ay waxay samaynaysay xukuumaddu iyo guurtidoodu u soo joognay,hadaladii curfiga lahaa ee Saleebaanka gaboobay afkiisa kasoo booboodaayey waynu ogayn heshiiskii khaatumo oo imika ay rafidayaan ciyaal yar yar oo ina Buuni ka mid  yey oo Cali Khalif isku soo taagayo (impident young man). Heshiiskii petrol waa kuwaa imika masaxaya. Heshiis Xukuumadda  kulmiye garanmayso, duniduna markay waxaa aragto ictiraaf iyo investment lama geleyso waayo taariikhda heshiisyadaada la soo akhriyayaa.

Arintii Sannaag bari iyo qabiilka weyn ee warsan geli siday xukuumaddu ula hadashay ay ula dhaqantay dawladnimo kama muuqan waanay tageen gobolkaasi. Imikaan sida cali khalif loola hadlayaa waa Dhulbahante oo dhulka baaxadda leh ku fadhiya oo reer SOMALILAND ah. Markaa Kan yaree businessman ka ah ee danaystaha  ah  waxaanuu ogayn reer Awdal inay Saamigii dhulbante qaateen oo madaxweyne ku xigeenkankii Sool lahayd haystaan oo maanta ay USB dii ka guureen waxaa caddeeyey wiilkan yaree ina Buuni ee Cali Khalif iyo khaatumo heshiiskii SOMALILAND la gashay dabaqa saaraya. Somalidu waxay ku maahmaahdaa geel caruuri qaadday ma dheera. Wadaadaa qaldan ee Kulmiye qaaday SOMALILAND la wada leeyahay way diiday inay siyaasaddii soo oodmayso waxaa kuu caddaynaya waxaabay inoo sheegayaan in Jubbaland na ka goayso Somalia oo ka hor imanaysa qaddiyadii labadii Somaliyeed ee isku darsaday lixdankii arinkuna wuu dhooqoobayaa hadday SOMALILAND wax ku darsato maamul goboleed SOMALIA ka mid ah. Kiiskii caddaa ee SOMALILAND ee ka soo noqoshadii isku darkii lixdankii wuu dhooqoobayaa hadday SOMALILAND u tagto Kismaayo. 

M Bashe 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...