Qurxinta Waddankeenu Inagay Ina Sugaysaa Ee Chinese Usoo Dhoofi Maayo Daawanaayow Waa Dalkaagii.

0
Monday September 30, 2019 - 09:47:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qurxinta Waddankeenu Inagay Ina Sugaysaa Ee Chinese Usoo Dhoofi Maayo Daawanaayow Waa Dalkaagii.

    W.Q Abdiqani Salaf.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W.Q Abdiqani Salaf.
Hadii aan noqdo Mayorka caasimadda Hargeisa oo aan nasiib u helo inan noqdo u adeegaha magaaladii aan ku dhashay een ku barbarbaaray kuna tarmay.

 

    Waxaan aad uga shaqayn doona dhamaan bilicda kala duwan iyo qurxinta caasimada anigo ka bilaabi doonaa jidad tayo leh oo gacan ku hayna oo  biyo mareen leh iyo halka dadku lugeeyan iyo parking ayaan u qaybin jadadka waawayn waxan ku beeri doona dhir aad u badan oo quruxda caasimada so saarta.

 

    Sidoo kale waxan ku dedaali doona inay noqoto Hargeisi meel qashinka ka caagan oo nadiif iyo cagaara anigoo ku shaqayn doona waxaan  bartay oo ah sida magaalooyinka loo qurxiyo hadafkaygu noqon maayo lacag aan ka urursado  dadka agoomaha iyo naafada, danyarta, waayeelka, iyo hooyooyinka muuska jidadka Hargeisa ku iibiya 11ka habeenimo dhaxanta aan ka hoyan si ubadkoodu schoolka lacagta ah u dhigtaan guryaha kiradoodu qaliga tahayna iskaga bixiyaan ee aan ilahay ka sokow cidna aan caawimo ka sugayn ee aan maalin kaliya cashuuri ku baaqan.

 

    Balse hadafkaygu waxa weeyi ilaahayba SWT. quluubta daalacdee inaan noqdo halyaygii ku guulaysta qurxinta dalkiisa iyo magaaladii uu ku dhashay oo aniga iyo ubadkaygaba iyo ehelkaygaba iyo dhamaan intii idooratayba aanu duco badan kaga helo reer Somaliland wayo ducada iyo lacagta waxa ila qiimo badan inan duco helo iyo magac, ishallahu tacaalaa

    taasi waa riyadada ilaahay ayaana rumayn kara.

 

    Allah Mahad leh

    Musharax Abdiqani Salaf kaptanka

    Addid Ababa Ethiopia.

    [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...