BARNAMIJKII HOGAAAN IYO HORUMAR

0
Monday September 23, 2019 - 08:48:46 in Articles by
  • Visits: 1109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BARNAMIJKII HOGAAAN IYO HORUMAR

    (Q 19aad E Barnamijka Hogaan Iyo Horumar Hogaamiyha wanaagsan iyo Wax-Barashada Q: Labaad)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Q 19aad E Barnamijka Hogaan Iyo Horumar Hogaamiyha wanaagsan iyo Wax-Barashada Q: Labaad)
Waxbarashadu waa Hubka qarnigan e lagula dagalaamo jahliga iyo saboolnimada mana jiro dad horumara ama dal horumaro iyago o aan wax baran.
Hadaba manta o ay waxbarashadu tahay hubka qarnigan waxaynu is waydinaynaa Dhalinyarda dalku inta wax dhigataa amaba inta dhigatay sida ay tahay ma uga faa”idaystaan mise ugama faa”idaystaan hadii aynu wada ognahay in waxbarashada dalkenu gaadhsisanayn halka la rabay cidda ka masul ka ah in ay kabis iyo kor uqaadis ku sameyan waayo, hadii aay kor  u qaadis iyo kabis jirto ma tahay mid aan halkii la doonayay aan gaadhsisinayn su”alahas isku daalin mayno o waaqaca ka jawabaya.
Waxan samaynay isku dheelitirnan cadaalad ku dhisan o maqaalki hore waxaynu kaga hadalnay dawlada iyo goobaha waxbarashada kana waxaynu kaga hadlnay o s u”aala uso bandhignay cida wax baranaysa o ah ardayda o waxaan aragnaa in aynu dhamanten ka gabinay waxbarashada haa waliba sidi la donayay ugama aynan soo bixin eeg waxaynu la tartamaynaa dawladaha kale caalamka o noloshoda ku badalay waxbarasho si ay noloshodo u noqoto mid hagaagsan o hiigsi leh.
Waa in aynu dibu habayn balaadhan ku samaynaa waxbarashada o micnahedu tahay in aynu aad u maal gashano si lamida waa in ay dawladu hubisaa isla markaasna la socotaa dhaq dhaqaaga cida wax dhigaysa o ah macalimiinta ah yacnii waa in la hubiyaa macalinka tayadiisa iyo heerka aqoontisa waana in aad lo la socdaa dhaq dhaqaga goobaha waxbarashada taas ayay wax walba ku saxmayaan e halkaas halaga sii kordhiyo.
Hadii ay waxbarashadu hagaagto wax walba way hagayaan qarankana waxa u gaadhayaa horumar heer sare ah mar marka qaar waxay u muuqita in aynu guuldarada ina haysata aynu gacmaheena ku abuuranay maadama o aynu dabiqi waynay aqoonta o cid aan ehel u ahayn yacnii aan aqoon lahayn ayba ka sheqeyan o ay gacanta ay ku hayaan waxyabihii muhiim ka ahaa ee shaqada dadwaynaha iyo waliba shirkaadka.


Ugu danbayn yaynaan niyad jabin dhalinyaro inagaa dalkan u hadhayna inagaa iska leh e aynu wax u barano oo aynu ka shaqeeno horumarkiisa si u u noqon lahaa dal horumarsan o ay ku noolyihiin dad horumarsan o ku nool nolol heer sare ah.

ALLA MAHAD LEH ALLA MAHAD LEH ALLA MAHAD LEH
BY: Mohammed Adam Hassan
Engineer and Politician Researcher And writer 
Hogaan IYO Horumar.
DOORO HOGAAMIYE WANAAGSAN OO HORUMAR KEENI KARA IYO ISBADAL DUNIDANA INA GAADHSIIN KARA.
TWITTER: HON MOHAMED ADEN HASSAN.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...