Isu Bogi Ismaba Oga (Abdi-Shotaly).

0
Sunday September 22, 2019 - 07:20:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isu Bogi Ismaba Oga (Abdi-Shotaly).

    uxu yidhi Qaasim (Ihun) " Isma eegto naag xumi halkay iin ku leedahaye, malaa way is moog-yiin in ay obocdu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

uxu yidhi Qaasim (Ihun) " Isma eegto naag xumi halkay iin ku leedahaye, malaa way is moog-yiin in ay obocdu

Wuxu yidhi Qaasim (Ihun) " Isma eegto naag xumi halkay iin ku leedahaye, malaa way is moog-yiin in ay obocdu hoostaalo" kuwan oomani waxay na badeen, waxay na bareen baa fadhiiso tidhi. Waa il xayiig aan libiqsa-naynin, ayax iyo dulin is barkan oo aan wax ay reebayaan ama ka xishoona-yaan, xeerina-yaan, u kala soocan iyo maamul granayaan midna aanu jirin, ee siddii daayeerka subixii qadhaabka u kalihi jirey, maskaxdoodu noqotay maxaad cuntaa, hlkaad maanta u daaq tagtaa, intee baad maanta soo xareysay, ummadda juuq dhawr, hebel xidhan, oo ku nool dhuumasho dhabarku muuqdo, been la soo derdero, hadana bilaa denbi iska soo dhigaaya, dadnimo iyo iimaan midna aan lagu ogayn, ee xaalkoodu noqday  dahabaw daah ii soo ror oo yanau qiiqu bixin, kii arkana indhaha ka rid, iyaka oo reer hebel ku ceeshaaya, oo qabyaalad hoosta kaga maalaaya, misna ku marmarsi-yoodda wax aan jirin, oo ah Somalialnd baa wax la yeelayaa, balhadad intan yar ee hoos ku qoran oo ana kus oo koobaayo xaalka dalka ka taagan, akhristaw ku soo dhawaw, waa tane:- 


 Eedaadka ummadiyo, ibtiladay abuureen,
Ehel iyo qaraabadda, inta eedo la dhex dhigay, 
Ayaan darradda taaliyo, Oohintiyo barooetiyo, 
Abley dhiigu da'ayiyo, inta ubad la laayiyo, 
Ooryaha goblamayiyo, saxafiga arjuman iyo, 
Ugub sidata agabtii, odayadda is madax maray, 
Doobka aayo xumidaas, anfariir ka qaadiyo, 
Hablaa guur iskaga hadhay, anshax xumo dhamaanteed, 
Askartaa u aabo ah, isu boga badh maqan yahay, 
Is moog baa dalkii dilay, albaabadda u laabto,
Itaal mooday xoogoo, RRU-duun adeegsadda, 
Eray ruux yidhaah-daba, ka ilaasha hadalkoo, 
Xabisi lagu ururiyaa, dagaal oga-yaal baa, 
Aroortii timaada-ba, bello soo afuufo, 
Isku diraya uunkii, inba gees irdhawdoo, 
Aadmigiina kala firidh,  iilkay dul taalaa, 
Waa kuwaa awood gabay, in la aaso mooyee,
Arin kale ma yaalee, allaw sahal amuuraha, 
Tani way asqawdoo, amar maamul moodiyo, 
Eex iyo kanay xiga, aarsi iyo colaad iyo, 
Boob aan is taagayn, kuligoog eryana-yaan, 
Inta ay sidaa tahay, aayo beel dal-kiinii, 
In yar loo afaaf xidhay, ambad weeye haatane,
Maxaa idiinka meel yaal? ma in aad abaadaan,
Ilmaduun shubtaan baa? ifkan eebbe idin dhigay.

Waxan ku soo xidhay maqaalkan, maanso uu lahaa Qaasim (Ihun), baa waxa ku jirtey " Aduun-yadu sidaa kuma gudhee saac kalaa bixiye, ninka cadho la sooyaamayaw, samirka maad dhawrtid, waa la ina kala soocayaa, subax an dheerayne. waxan uga socdaa, tani iyadad baa lafa-heedda isu soo dabartay, oo ruugaga bay ku jitamaysaa, rajo u hadhay ma jirto, haduun baa kiisshkii geeridda loo xidhay ( waa kafantiiye), ayaamo tirsan baa u hadhay, waxu yidhi mar kale qaasim (Ihun), " kawlaa u baxay raggii, fuulay kooraha'e, kawddii habeenimo xallay, keligay soo booday, mar-kaasaan kitiibkii akhriyey, kaahinka ahaaye, dhaaxuu nin keliggii tashaday karin ka duulaaye, kodaddii rag ba yaala, oon kadab u oolayne" waa sidaase kuwani hadeer way dhuun yeedhinayaan, oo xagiise way ka soo dhamaaty naftii yarayd ee ay silciyeen, gundadkii waa lagu akhriyey ( geenyo shaaximan iyo raggii ma adiga aka hadhay), wuxuun baw hadhay intii la bud-dhigaayey, taas oo micnaheedu yahay ( Ihun) Siddi sheekh bashiir uu budhka ugu kala jebiyey Biaalaah, in kuwana mar qudha jarka laga tuurointa lagu kaco, waayo iyka tooddii u liita wax ay sika celiyaan daayoo, Ggobolka Hargeysa mooyee dhamaan goboladdii kale wa kuwaas qaatay qoriggii ee meel walba ay ka dilaacday jabhad Goboleed, ee maxay sugayaan adiga baan kuu dhiibay akhristawe.

* N.B Dhaaxuu Nin Keliggii Tashaday Karin Ka duulaaye"
Qore:- Abdi-shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...