Xaaskii Meles Zenawi Oo Sheegtay Inayna Uxiisin Guriga Madaxtooyada Iyo Sababta.

0
Thursday September 19, 2019 - 16:53:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 6850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaskii Meles Zenawi Oo Sheegtay Inayna Uxiisin Guriga Madaxtooyada Iyo Sababta.

    Azeb Mesfin oo ah xaaskii uu ka geeriyooday ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Azeb Mesfin oo ah xaaskii uu ka geeriyooday ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi ayaa BBC u sheegtay in aysan u xiisin qasriga madaxtooyada ee Menelik.


Waxay muddo 20 sanno ah ku nooleyd gurigii ra'iisul wasaaraha Itoobiya ee Addis Ababa tan iyo markii uu geeriyooday ninkeeda sannadkii 2012-kii markaas oo uu jiray da'da 57.



Waxay sheegtay in markasta oo ay soo xusuusato noloshii ay kusoo qaadatay qasriga ra'iisul wasaaraha ay maskaxdeeda kusoo dhacdo muragada geeridii ku timid Meles Zenawi isla markaasna ay soo xusuusaneyso dadkii baroor diiqayay xilli meydkiisa lasii waday.


"Ma garanayo sababta aysan maskaxdeyda uga bixin dhacdooyinkaas" ayay tiri Azeb Mesfin.

"Uma xiisin qasriga, mana damacsani in aan tego halkaas"


Sida seygeeda Meles, Azeb waxay aheyd siyaasi caan ah oo ka tirsaneyd xisbiga xoreynta Tigreega ee TPLF oo kamid ahaa jabhadihii xilka ka tuuray dowladdii militariga aheyd sannadkii 1991-kii kaddib loolan militari uu muddo qaatay.


Markii uu dagaalka dhacay, waxay kusii jirtay siyaasadda, waxay noqotay xildhibaan sannadkii 2015-kii, waxay wadday olole ah in macluusha laga ciribtiro Itoobiya.


Toddobadii sanno ee lasoo dhaafay, waxay ku howlaneyd in uruurinta buugaagtii uu qoray Seygeeda iyo waxyaabaha taarikhiiga uu ka tagey.


Meles waxaa uu ahaa qoraa caan ah, waxaa uu ka shaqeynayay soo saarinta 30 buug oo uu qoray, sida ay sheegtay xaaskiisa.


Waxaa uu suurogashay xaaskiisa inay daabacdo 8 buug, labo kamid ah buugagtaas waxay ka hadlayaan Dimuqraadiyadda iyo Beeraha.


Azeb Mesfin waxay ku mashquulsan tahay sidii Meles Zenawi ay ugu sameyn laheyd goob lagu keyddiyo xusuusihii taariikhda, goobtaas oo ku taal duleedka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.


Goobtan oo lagu wado in dhawaan la furo waxay dadweynaha ka baran doonaan taarikhdii uu ka tegay ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, sida ay sheegtay Azeb.

 

BBC

Loading...
Loading...