'' Imaaraadka Carabta Iyo Somaliland ''. W/Q: Ahmed Nuur Guruje

0
Tuesday September 17, 2019 - 16:33:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Imaaraadka Carabta Iyo Somaliland ''. W/Q: Ahmed Nuur Guruje

    Wadanka Imaaraadka carabtu wuxuu ka mid ahaa dhulkii ay qabsatay dawladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Imaaraadka carabtu wuxuu ka mid ahaa dhulkii ay qabsatay dawladda
Ingiriisku dagaalkii koo baad ka dib , iyadoo kula jirtay salaadiinta mandqada heshiis ilaalo oo iska magac u yaal ahaa .

Baryihii dambe ee Boqortooyadda ingiriisku diciiftay , waxaa ku adkaatay dawladda ingiriiska fulinta heshiiskii ilaaladda ee ay kula jirtay wadankan yar ee Imaaradah midoobay , sidaa darteed sanadkii 1966 ayuu Raysal wasaarihii ingiriiska ee Harold Wilson go'aamiyey in Bisha December 1971 uu dhamaanayo heshiiskii ilaalo ee labada dhinac .



Sanaddii 1971 markii Ingiriisku ka baxay , waxaa markiiba qabsaday jasiiradda Abu muusa oo ka tirsanayd imaaraha carabta , waxa kale oo istaadhmay khilaafyo dhinacyada xuduudaha ah oo kaga yimi Sucuudiga iyo Oman .


Si kastaba ahaatee , Jasiiradihii qalalaa ee ingiriisku iskii uga tagay ee Iran u xoog sheegatay , maanta waa quwad ka mida quwadaha aduunka saamaynta ku leh , dhinacyadda siyaasadda , dhaqaalaha iyo Istaraajiyaddaba .


Dhinaca kale , Somaliland oo xornimo buuxdo qaadatay 1960 weli lug iyo laantoona ma hayso , waxaanay leexaysanaysaa meel dhexe oo aan cir iyo dhul toona ahayn .


Sababtu wax kale maaha , keliya waa hogaankii caynaanka u qabtay Imaaraadka ayaa caadaa mariyey , Somaliland waxay eersataa cidii caynaankeeda qabatay .

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...