Ilaahay Baa Deeq Baxshee, Cirdiga Iyo Nafta Ban'iaadmaka Ka Daaya Mashruucaysiga!!!

0
Sunday September 15, 2019 - 12:41:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilaahay Baa Deeq Baxshee, Cirdiga Iyo Nafta Ban'iaadmaka Ka Daaya Mashruucaysiga!!!

    Shalay Xayaysiisku Wuxu Ahaa Galmo Oo Dhan Iyadoo Kufsi Lagu Soo Gabbanayo;

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay Xayaysiisku Wuxu Ahaa Galmo Oo Dhan Iyadoo Kufsi Lagu Soo Gabbanayo; Maantana In Qofku Nafta Iska Jaro; Waa Sidaa Arrinku Marka Dhaqanka NGO Gu Kula Fogaado; Mashruucaysi Baa La Yidhaa; Waar Ilaahay Baa Risiqa Bixiyee Ha Iska Soo Xambaaranina Dhaqanada Iimaan-Laawayaasha Ku Badan!!!

 

Waxa Xigi In La Sameeyo Xogo Iyo Tirakoobyo Bug Ah, Dabadeedna La Yidhaa Oo Miyaa Ogtihiin Intuu Marayo Is-Dilku Ama Dadka Qudha Iska Jaraa Sanadkii; Maydinkaa Waxbaba Og; Dabadeedna Inta Xaflad Lagu Soo Casuumo Mid Wasiir Ah Ay Kaga Yeedhsiiyaan Sida Babqaaga Arinkaas Oo Uu Halkaa Ku Qiro; Mar Haddii Policy Makers Ku Qiraan Mashkiladdaas, Iyaga Way U Gashay, Maxaa Yeelay Macnaheeda Ayay Garanayaan; Markaasuu U Dararayaa Oo Uu U Qarxayaa Mashruucu!!!!

 

Dhinaca Kale, Ma Dafirayo In Waligeedba Ay Dhici Jirtay Carrigeena Iyo Meel Kasta Oo Bani'aadam Ku Noolyahay Qof Is Dila Iyo Qof Wax Kufsada, Laakiin Waa Wax Kooban Dhulkeena, Mashruucna Ma Noqon Karto; Hadalhaynta Xumaanta Ayaaba Dhiirigalin Ah Iyo Xayaysiis Ah; May La Socotaa!!!

 

Cabdo; Maamul Wanaagga Iyo Ku Dhaqanka Sharciga

 

W/Q: Prof-Abdi Ali Jama


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...